Shiinaha Oo Soo Saaraya Kheyraadka Dalka Ruwanda.

Dowladda Shiinaha ayaa wadda qorshe ay raadineyso kun soo saareyso kheyraadka dabiiciga ah ee ku duugan  dalka Ruwanda.

Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping ayaa booqqasho labo maalmood ah ku qaadanaya qaaradda Afrika, isagoo kasoo shalay oo sabti aheyd booqday Senegal waxa uuna booqasho ku tagaya maanta oo Axad ah wadanaka Rwanda, ujeeddada lagu sheegay sidii uu heshiisyo dhowr ah uu kula saxiixan lahaa qaar ka mid madaxda Afrika gaar ahaan Madaxweyne Paul Kagame iyo guddoomiyaha Midowga Afrika.

Hoggaamiyeyaasha labada dal ayaa la filayaa inay kala saxiixdaan heshiisyo dhowr ah oo ku saabsan ganacsiga, maalgashiga, kaabayaasha iyo difaaca.

Inkasta oo khabiiradu ay tilmaamayaan in Shiinaha uu si weyn diyaar ugu yahay maalgashiga dalalka Afrika, uuna bartilmaameedsanayo khayraadka dabiiciga ah iyo ilaha dhaqaale ee wadamada Africa.

“Ujeedada booqashadu waa hormarinta iyo kor u qaadida xiriirka labada dal, iyo arrimaha Maalgashiga khayraadka dabiiciga ah ee Rwanda ama dalal kale ee Afrika ku yaalla” ayuu yiri danjiraha China ee Rwanda, Rao Hongwei.

Ganacsiga ee u dhexeeya Rwanda iyo Shiinaha ayaa ku baxday celcelis ahaan lacag dhan $ 157 milyan sannadkii 2017, waxa uuna kor u kacay 11 boqolkiiba marka la barbardhigo 2016.

Waxaana la rajeynayaa in maalgashiga sanaddan uu kor uga kaco sanadihii lasoo dhafay.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here