Madaxweynaha Mareykanka iyo Ra’iisul wasaaraha Canada oo Ka wada Hadlay Arimaha Ganacsiga iyo Dhaqaalaha.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump iyo Ra’iisul wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa ka wada hadlay xaaladaha  ganacsiga iyo Dhaqaalaha sida ay sheegtay xogyaha aqalka cad Sarah Sanders.

Trump iyo Trudeau ayaa ku wada hadlay qadka taleefanka, waana markii ugu horeysay ee labada mas’uul wada hadlaan tan iyo markii madaxweyne Trump oo ku tilmaamay ra’iisul wasaaraha Canada “mid aan daacad aheyn oo daciif ah” dhamaadkii shirka wadamada G7-ka ee ka dhacay dalka Canada.

Trump ayaa kusoo celceliyay marar badan in Canada ay ka faa’iddo ganacsiga Mareykanka, hadalkiisii xanafta lahaa ee uu yiri kadib shirkii G7 ayaana ka dhigay xiriirka labada dal mid aad sii xumaada.

Jimcihii ayey dowladda Canada dib isaga weerartay canshuurihii maamulka Trump uu kusoo rogay birta iyo nuxaasta, iyadoo dhankeeda canshuuro dheeri ah saartay Alaabaha dalkeeda kasoo gala dhinaca Mareykanka, kuwaas oo qiimo ahaan lagu qiyaasay 16.6 Bilyan oo doolarka Canada ($12.6 billion)

Intii lagu guda jiray wicitaanka, Trudeau ayaa wuxuu u sheegay Trump in Canada aysan heysan doorasho kale oo aan ka aheyn in ay ku dhawaaqdo  tallaabooyin isku dheelli tir ah oo lagu soo rogayo canshuuro taas oo la xiriirta tariifada birta iyo aluminiinta, sida lagu sheegay bayaan gooni ah oo ay soo saartay Canada Jimcihii. Labada hoggaamiye ayaa isku raacay in ay si joogta ah u wada xiriiraan si horay loogu sii socdo oo xal loo gaaro. warbixinta ayaa intaa ku dartay

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay arinta ururka ganacsiga waqooyiga Ameerika ee NAFTA waxeyna ku heshiiyeen in lasii wado wada xaajoodka si loo gaaro xal kama dambeys ah.

Wada xaajoodka lagu dhexdhexaadinayo NAFTA ayaa soo bilowday August, waxaana horay loo sii qorsheeyay in lasoo gabagabeeyo bisha December, laakiin saddexda dowlad (Mexico, Canada iyo Mareykanka ) wali wax heshiis ah ma gaarin.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here