Shirkadda Google Oo $550 Milyan Ku Maalgashaneysa Shirkadda Ganacsiga Internetka Ee JD.Com.

Shirkadda caanka ah ee Google ayaa aduun lacageed gaaraya $550 Milyan ku maalgashaneysa shirkadda shiinaha laga leeyahay ee ganacsiga internet-ka ee JD.com, taas ayeyna shirkadda ugu gol leedahay in ay ballaariso kasoo dhex muuqashada suuqyada sii koraya ee Aasiya iyo in ay tartan la gasho shirkadda Amazon.com.

Labada shirkadood ayaa ku qeexay maalgashigaan mid ka mid ah shuraako ballaaran, waxaana heshiishka ka mid ah in kor loo qaaddo addeega shirkadda JD.com iyadoo loo sii marayo addeegga suuqgeynta ee Google, taas oo ka caawin doonto shirkadda JD.com in ay ku fiddo meel ka baxsan saldhigeedda shiinaha iyo koonfur bari Aasiya iyo inay kasoo dhex muuqato suuqyada Mareykanka iyo Yurub.

Madax sare oo ka tirsan shirkadda JD.com ayaa sheegay in heshiishkaan uusan ku lug laheyn wax kaloo quseeya horumarin cusub ee dhanka adeegga Google ee gudaha Shiinaha, maadaama adeegyada ugu muhiimsan shirkadda Google ay ka xanibanyihiin Shiinaha.

Maalgashadaayasha Shirkaddaan waxaa ka mid ah shirkadda caanka ah ee baraha bulshada ee shiinaha laga leeyahay Tencent Holdings Ltd. Waxeyna tartan adag kula jirtaa shirkadaha kala ah Alibaba Group Holding Ltd, iyo Walmart Inc.

Shirakadda Google ayaa muddoyinkii dambe isku balaarineysay qaaradda Aasiya, iyadoo horay ula wareegtay shirkadda online-ka lacagaha ku bixisa ee Go-Jek oo fadhigeedu yahay Indonesia, iyadoo sidoo kale ay qorsheyneyso inay maalgashi ku sameysato shirkadda ganacsiga internetka ee Flipkart ee laga leeyahay dalka Hindiya.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here