Qiimaha Saamiyada ee Suuqyada Caalamka Iyo Saliidda Oo Hoos U Dhac Laga Dareemayo Xilli Uu Cirka Isku Shareeray Muranka Ganacsi Ee U Dhaxeeya Shiinaha Iyo Mareykanka.

The German share price index, DAX board, is seen at the stock exchange in Frankfurt, Germany, March 20, 2018. REUTERS/Staff/Remote/Files

Qiimaha saamiyada suuqyada caalamka iyo qiimaha saliidda dalka Mareykanka ayaa hoos u dhacay maanta oo isniin ah kadib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ku dhawaaqay in canshuur dheeri ah uu saaray badeecooyinka shiinaha iyadoo xukuumadda Beijing ay kaga jawaab celisay tallaabooyin la mid ah tan Mareykanku qaaday, taas oo oo dabka kusii shiday muranka ganacsi ee sii kordhaya ee u dhaxeeya labada dhinac.

Cabsi badan ayaa laga qabaa in is-qabqabsiga u dhaxeeya labada awoodood ee ugu dhaqaalaha badan dunida ay saameyn xooggan ku yeelato qiimaha saliidda, taas oo si weyn hoos ugu dhacday jimcihii, halka doolarka uu dib ugu soo laabtay saddex usbuuc oo qiimo sare ahaa marka loo barbardhigo lacagta Shiinaha ee Yan.

Trump ayaa jimcihi ku dhawaaqay canshuur la saarayo badeecada dalkiisa kaga timaada Shiimaha taas oo qiimo ahaan ku fadhisa  $50 Bilyan waxaana ku jira gawaarida, canshuurtaan ayaa dhaqan galeysa 6 bisha soo addaan ee July.

Dhinaca kale Shiinaha ayaa si deg deg ah uga jawaabay, isagoo canshuur la mid ah dul dhigay Alaabada Mareykanka ee dalkiisa la keeno waxaana kamid saliidda ceyriinka ah waxeyna joojisay dhammaan wax walboo heshiis ahaa oo dhex maray maamulka Trump.

Muranka u dhaxeeya Beijing  iyo Washington ayaa sare u qaaday cabsida laga qabo inuu qarxo dagaal ganacsi oo dunida dhan saameeya, iyadoo suuqyada saamiyada ee Aasiya saakay uu hoos u dhac sameeyay. Si lamid ah suuqyada saamiyada Yurub ayaa lagu furay qiimo hoose.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here