Facebook Oo Dhumiyay Dhallinyaro Badan Oo Bartaas Adeegsan Jiray.

Daraasad laga sameeyay dalka Mareykanka ayaa sheegeysa in dhallinyaro badan oo u dhalatay dalkaasi ay ka weecdeen adeegsiga barta caanka ah ee Facebook-ga, iyagoo u janjeersaday isticmaalka baraha kale sida YouTube, Instagram iyo Snapchat.

Machadka cilmi baarista ee Pew oo daraasadan sameeyay ayaa xusay in 51% kaliya dhalinyarada dalka Mareykanka ay hadda isticmaalaan barta Facebook-ga, taas oo ka yar 20% tirada da’yartii isticmaali jirtay barta sanadkii 2015.

Daraasadda ayaa tilmaamtay in 95% dhalinyarada da’doodu u dhaxeyso 13 ilaa 17 ay heli karaan mobile-da caaqilka ah (Smartphone), kuwaas oo 45% ka mid ahi ay si joogto online u yihiin.

Barta YouTube ayaana ah meesha ugu badan oo ay dhalinyarada u weecdeen, 85% da’yarta ayaa doorbidaya adeegsiga barta muuqaalada lagu wadaago. Waxaana ku soo xiga Instagram oo 72% dhalinyaradu isticmaalaan, halka Snapchat ka 69% dhalinyarada dalkaasi ay adeegsadaan.

Dhalinyarada adeegsada barta Twitter ka ayaa gaaraya 32%, wax is bedel ahna kuma imaan marka loo barbardhigo natiijadii la helay sanadkii 2015.

Inkastoo facebook ay dhumineyso da’yar badan oo ku xirnaa barteeda, hadana waxa ay leedahay App-ka sawirada iyo muuqaalada la isku dhaafsado ee Instagram kaas oo kamid ah baraha ay dhallinyarada uga weecdaan adeegsiga Facebook-ga.

Machadka Pew ee daraasaddan sameeyay ayaa xogtaan kasoo aruuriyay ku dhawaad 750 da’ yar ah, waxaana usoo baxday in ay korodhay helida mobile-da caaqilka ah, iyadoo 95%, taas oo ka badan 22% xogtii la helay 3sano ka hor.

Waxaa kaloo daraasadan lagu ogaaday in dhalinyarada intooda badan ay isticmaalaan barta ay adeegsadaan saaxibadood, da’yarta dabaqada hoose ayey daraasadu sheegeysaa in ay kaga badanyihiin adeega Facebook-ga dhigdooda dabaqada sare.

Ugu dambeyn daraasadu ma helin natiijo cad oo ku aadan saameynta baraha bulshada ay ku leeyihiin noloshooda.  30% ayaa sheegay in ay saameyn fiican ay ku leeyihiin, halka 25% ay ku jawaabeen inuu saameyn xun ku leeyihiin, 45% ayaa tilmaamtay ineysan labada siba aysan u saameyn.

 Halkaan Ka Akhriso Xogta Daraasadda

Goobjoog Business