Warbixin: Dowladda Soomaaliya Suurtogal Ma U tahay In Ay Daabacdo Lacag Ka Wada Shaqeysa Dhammaan Gobolada dalka.

Dhawaan ayey aheyd markii Hey’adda lacagta adduunka ee (IMF) ay Soomaaliya u ogolaatay inay lacag soo daabacan karto, si taasi u dhacdana loo baahan yahay ilaa $41 million oo ah qorshaha wejiga 1aad.

Haddaba Soomaaliya suurtagal ma u tahay in xilligaan ay lacago cusub daabacato?

Soomaaliya waxaa soo maray lacago fara badan oo kala duwan oo ka shaqeynayay gudaha dalka, waxaana ugu dambeeyay lacagta 1,000 Shillin oo ah tii ugu waqtiga dheereed uguna tayada yareyd.

Lacagta shillinka Soomaaliga ayaa hadda u muuqda mid sii dhamaaneysa, halka gobolada qaarna aysan ka socon.

Iyadoo taasi ay jirto ayey hey’adda lacagta aduunka ee IMF-ta sheegtay in Soomaaliya ay daabacan karto lacago cusub, hadaba dowladda Soomaaliya xiligaan awood ma u leedahay inay daabacato lacagtaasi iyo suurta galinta in lacagtaasi ay ka shaqeyso gudaha dalka oo dhan?.

“Xilligaan in lacag la daabaco, siyaasad ahaan waa qaldantahay, sababtoo ah dhulalka ay ka taliso dowladda Soomaaliya waa yaryihiin, haddii aad lacag soo daabacdo waxaad u baahantahay awood aad ku faafiso lacagtaas oo lacagihi horena aad kusoo aruuriso, marka awooddaas ma lahan” Ayuu yiori Prof. Cali Yaasiin oo ah dhaqaalayahan Soomaaliyeed

Si lacag loo daabaco wajiga koowaad waxaa loo baahanyahay $41 milyan oo doolar, hadaba dowladda Soomaaliya oo awood dhaqaale ahaan aad u hooseysa aya la sheegay in xilligaan aysan awood u laheyn in lacag ay soo daabacdo.

“Dowladda waxaa la gudboon in ay iska dhaafto, haddii caqli dhaqaale lagu fekerayo.. dowladdu waa in ay ka feejignaato lacagtaan maxaa ka dhalan kara, in ay daraasad badan sameyso inteyna daabicin..Hala sameeyo haddii la yiraahdo dhib ayaa lagala kulmaa, dowladda nafsad ahaanteda ayey dhib ku tahay, iyadey ridi kartaa, nabadgeliyada ayey xumeyn kartaa, dhaqaalaha dalka ayey waxyeeleysaa” Ayuu yiri dhaqaalayahan Prof. Yaxye Caamir

Dowladda oo sida la sheegay aan xiriir fiican kala dhaxeyn maamul goboleedyda dalka ka jira ayaa laga cabsi qabaa haddii lacagtaasi la daabaco in ay caqabad kaga timaado dhinacooda.

“Caqabad ayaa ka imaaneysa sababtoo ah haddii aan siyaasadda heshiis lagu aheyn dhaqaalaha heshiis laguma noqon karo” Ayuu yiri Prof Cali Yaasiin

Hadaba iyada oo ay jiraan caqabadahaas oo dhan kuwaas oo an suurtagal ka dhigeynin in Soomaaliya xilligaan ay daabacato lacag cusub, goorma ayey suurtogal tahay, maxaase looga baahanyahy Soomaaliya si loo daabaco lacag?

“Dhulka aad rabto inaad ku socodsiiso, waa inuu gacantaada ku wada jiraa. Bangiga dhexe waa inuu laamo ku leeyahay gobolada oo dhan.. Sidoo kale in daraasad lagu sameeyo xadiga lacag ee loo baahanyahay.. Tirada lacag aan u baahanahay waxey ku xiranatahay baahida lacageed ee suuqa ka jirta.” Ayuu yiri Prof Yaxye Caamir

Dowladda Federaalka ah ee Somaaliya ayaa muddo badan ku celcelineysay in ay soo daabici doonto lacago cusub, iyadoo gobolada qaar aysan ka shaqeyn lacagta shillinka Soomaaliga ah.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here