Dowladda Soomaaliya Iyo Maamulka Galmudug Oo Magaaladda Cadaado Ka Hirgeliyay Nalalka Ku Shaqeeya Ileyska Cadceedda.

Mashruucaan  magaalada Cadaado looga hirgeliyay leyrarka ku shaqeeya ileyska cadceedda ayaa waxaa iska kaashaday maamulka degmada Cadaado, wasaaradda arimaha gudaha dowlad goboleedka Galmudug, wasaaradaha  qorsheynta iyo arimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya iyo xafiiska ra’ iisul wasaare Xasan Cali Kheyre.

Qaar kamid ah xaafadaha magaalada Cadaado ayaana laga hirgeliyay mashruucaan, waxaana daahfurka wajiga hore ee mashruucaan kasoo qeyb galay wasaaradda arimaha gudaha Galmudug iyo mas’ uuliyiin ka socday wasaaradaha qorsheynta iyo arimaha DFS.

Dhanka kale dadka ku dhaqan xaafadaha laga hirgeliyay mashruucaan ayaa loo sameynayay maalmihii lasoo dhaafay tababarro la xiriira ilaalinta iyo dayactirka leyrarka ku shaqeeya cadceedda.

Duqa Degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Tootoole iyo wasiiru dowladaha wasaaradda arimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug ayaa uga mahadceliyay cid walboo gacan ka geysatay helista iyo fulinta mashruucaan.

“Waxaan u mahadcelineynaa cid walboo ka qeyb qaadatay barnaamijkaan, dadweynahana Cadaado waxaa laga rabaa dayactirkooda, ka shaqeyntooda iyo ka warqabkooda” Ayuu yiri Tootoole

“ Barnamijkaan wuxuu bilow u yahay cabashooyinka dadka Galmudug oo ahaa baahiyaha ay qabaan oo ay kamid tahay mugdiga iyo leyr la’aanta. Mashruucaan wuxuu ka mid yahay mashaariic aan leyraraan ka hirgelineynay deegannadda Galmudug” AYuu yiriwasiiru dowladaha wasaarada arimaha gudaha galmudug

Mas’ uuliyiin ka socday wasaaradaha qorsheynta iyo arimaha gudaha Soomaaliya oo goob joog ka ahaa daahfurka qeybta kowaad ee mashruucaan ayaa sheegay in xukuumadda Soomaaliya ay u taagantahay sidii shacabka Soomaaliyeed ay deegaannadooda ugu heli lahaayeen adeegyada aasaasiga ah.

Qaar ka mid shacabka xaafadaha Cadaado ee laga hirgeliyay mashruucaan leyrarka ku shaqeeya ileyska qorraxda oo xilliga habeenkii ah la isticmaalo ayaa si weyn usoo dhaweeyay.

Leyrarkan laga hiragaliyay Magaaladda Cadaado ayaa wax badan ka bedeli doona ganacsiga xiliga habeenkii ah oo hadda aan si wanagsan u shaqeyn .

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here