Xiriirka Ganacsi Ee U Dhaxeeya Soomaaliya Iyo Shiinaha Oo Sii Xoogeysanaya.

Dalalka Soomaaliya iyo Shiiinaha waxa ay leeyihiiin xiriir qoto dheer oo dhinaca ganacsiga ah, kaas oo soo bilowday muddo ka badan 500 sano ka hor , balse waxaa heshiis rasmi ah oo ganacsi ay kala saxiixdeen labada xukuumadood June 1963.

Wixii ka dambeeyay burburkii dalka ka dhacay 1991dii, ganacsatada Soomaaliyeed waxaa suuqa ugu badan ay alaabada kasoo rartaan u ahaa magaalada Dubai ee dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta.

Inkastoo uu dalku uu soo maray heerar kala duwan oo ganacsi, hadana marwalba ganacsatada Soomaaliyeed ma aheyn kuwa ka niyad jaba xaaladda dalka ka jirta.

Marka laga soo tago suuqa ay kasoo dukaameystaan badankood ganacsatada Soomaaliyeed ee Dubai, waxaa jira suuq kale oo ay sanadihi dambe u weecdeen ganacsatada kaaso oo ah dalka Shiinaha.

Ganacsato badan oo Soomaaliyeed ayaana si toos ah badeecooyinka uga soo rarta dekedaha dalka Shiinaha, iyadoo aad arkeyso maraakiib iyo doomo ganacsi oo ka yimid Shiinaha kuwaas oo sida shixnado ganacsi kuna xiran dekedda Muqdisho.

Sababaha keenay in ganacsatada Soomaaliyeed ay u janjeersadaan suuqa Shiinaha ayaa lagu sheegay inay tahay in dal ku galka Soomaaliya aysan ganacsatada badankood kusoo saaran karin sharciyadooda, waxaana jira in ganacsatada ay heystaan baasaboorrada dalalka dariska sida Jabuuti, Kenya iyo Itoobiya, iyadoo taa badalkeeda dowladda shiinaha ganacsatada Soomaaliyeed ay u fududeysay imaatinka dalkeeda, waxeyna siiyaan fiisooyin.

Waxaa sidoo kale jira in badeecooyinka dalka Shiinaha ay ka raqiisan yihiin kuwa yaalla Dubai oo ka kala yimaada dalal badan oo caalamka ah.

Dhanka kale, marka aan fiirinno canshuuraha, suuqa Dubai waxaa lagu soo rogay horaantii sanadkaan canshuur dhan 5% oo dheeri ah dhammaan alaabada laga soo dhoofiyo dalkaasi, halka dalka Shiinaha qiimaha canshuurta uu ka yaryahay tan Imaaraadka.

Iyada oo ay jirto in xiriirka diblumaasi ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Imaaraadka uusan fiicneyn, ayaa waxa arintaas ay saameyn ku yeelan kartaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqan Dubai, inkastoo badankood ay heystaan baasaboorrada dalal shisheeye.

Haddii xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Imaaraadka uu gaaro meeshi ugu xumeyd, saameyna uu ku yeesho isweydaarsiga ganacsiga ee labada dowladod, wali ganacsatada Soomaaliyeed waxey heestaan suuq badal u noqon kara kan Dubai oo hadda ah meesha ugu badan oo ay badeecooyinka kasoo rartaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here