Ganacsigii Magaaladda Beledweyne Oo Isbuuucii Labaad Hakad Ku Jira.

Waxaa toddobaadki labaad go’doon ku jira magaalada Beledweyne ee caasimadda gobolka Hiiraan, kaas oo ka dhashay fatahaadda webiga Shabeelle, wuxuuna saaameyn ku yeeshay nolosha dadka ku  dhaqan Magaalada. Waxaa sidoo kale uu saameeyay guud ahaan ganacsigii afarta xaafadood ee ka koobantahay magaalada Beledweyne.

Waxaa xiran inta badan goobihii ganacsi ee magaalada kuwaas oo hakad ku jira isbucii labaad gaar ahaan suuq sarifka, bacadlayaashi, suuqa khudaarta, seyladda xoolaha, ganacsiyada yar yar  iyo waliba bakhaarrada raashinka iyo bagaashka lagu iibiyo.

Ganacsiyo yar oo fara ku tiris ah ayaa ka furan magaalada, iyadoo ay jirto caqabado heysta ganacsiyadaas oo ay ka mid tahay koronto la’aan ka jirta guud ahaan magaalada. Halka ganacsatada qaar ay alaabadooda u rareen duleedka magaalada.

Koror dhanka qiimaha maciishadda ah ayaa laga dareemayaa magaalada, maadaama ganacsigii magaalada inta badan uusan shaqeyneyn, halka gawaaridii badeecooyinka ka keeni jiray Muqdisho iyo Boosaaso aysan soo gali karin magaalada.

Dhanka kale, garoonka diyaaradaha ee Beledweyne ayaa muddo bil ku dhow wax shaqo ah aysan ka socon, waxaana saameeyay daadadkii roobabkii guga ee ka da’ay ee magaaalada Beledweyne.

Goobo ganacsi oo aad u badan ayaa gabi ahaanba noqday kuwo biyoobay oo ay daadadkii ka dhashay fatahaadda uu sameeyay webiga Shabeelle ay gudaha u galeen.

Daadadkan ka dhashay biyaha roobka iyo fatahaadda webiga ayaa u muuqda kuwa xooli u socda oo haddii ay sidan kusii socdaan ay ka dhalan karaan musiibooyin hor leh.

Goobjoog Business

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here