Warbixin: Digaaga Laga Keeno Dalka Dibeddiisa Oo Suuqa Ka Saaray Kan Dalka.

Iibsiga, cunista digaagga dalka lagu dhaqdo ayaa sii yaraanaya, iyada taa badalkeeda dadku ay door bidayaan cunista digaagga laga keeno dalka Brazil oo si qasab ah lagu bacrimiyo .

Waxaa magaalooyinka waaweyn ee dalkeenna lagu arkayaa hilib digaag oo dalka dibaddiisa laga soo dhoofiyo, tani waxey keentay in ay aad u yaraadaan cunista iyo ka ganacsiga digaagga dalka oo aad uga qiimo iyo macaan badan kan dalka dibaddiisa laga keeno.

Waxa ay arrintan saameyn weyn ku yeelatay dadka tirada yar ee xanaaneeya digaagga dalka, kuwaas oo dad kooban ay ka iibsadaan, taas oo hoos u dhigtay wax soo saarkoodii, maadaama dadka inta badan ay door bidaan digaagga laga keeno kaas oo aad uga raqiisan kan dalka oo ku barbaaray hawo dabiici ah.

Xanaano, caafimaad iyo ka warqab ayey helaan digaaga dalka dibeddiisa laga keeno, shaqaale loo tababaray ayaa ku howlan. Meelo badan oo Muqdisho ka mid ah ayaa lagu xanaaneeyaa isagoo diyaarsan ama lasoo baceeyay ayaa dalka la keenaa digaaggaas.

Waxaa jira shikado badan oo ku howlan ka ganacsigiisa, maqaayado badan oo ku yaal magaalada Muqdisho ayaa lagu iibiyaa isagoo bisil

Cumar Kaafi Nuur Maamulka Cadaani Chicken waxaa uu Goobjoog uga warramay caqabadaha heysta digaagga lagu xanaaneeyo gudaha dalka waxaa uuna yiri “Gudaha digaagga lagu helo inta badan waxyaabaha aan u iibin la’nahay waxaa ka mid ah iyagoo xanaaneysneen oon diyaarsaneyn, marka digaagga aan iibinno oo dibadda laga keeno waa mid diyaarsan horayna loo soo xanaaneeyay, meel laga iibsadana leh”.

Suuqyada lagu iibiyo digaagga dalka lagu dhaqdo ayaa sii yaraanaya, taasi waxaa ay keentay in dad badan oo ka ganacsan jiray shaqo la’aan ay noqdaan, halka kuwa kalena ay sheegayaan in aysan jirin cid wax ka iibsata.

Goobo badan oo dalka gadahiisa ah ayaa lagu xanaaneeyaa digaagga laga keeno dibadda, shirkado gaar ah ayaa bilaabay ka ganacsigiisa waxaa ayna sheegayaan ganacsataan in digaaggii gudaha dalka uu yaraaday sidaasna ay u doorbideen in dibadda ay ka keensadaan.

Dad badan oo diggaaga gudhaha dhaqan jiray ayey taasi ku noqotay mid hoos u dhigtay wax soo saarkoodii, isla markaana uu yaraaday wixii ay ka heli jireen ka hor inta aan dalka ganacsi ahaan loo keenin digaagga laga keeno dalka dibeddiisa.

Cabdullahi Xasan Axmed maamulaha Somali Poultry Farm waxaa uu yiri “Waxaa aan leeyahay gudaha dalka waa lagu xanaaneyn karaa digaagga waana la dhaqi karaa”.

Saameyn dhanka nolasha ah ayey ku yeelatay dad badan oo ka ganacsan jiray digaagga dalka lagu dhaqdo, waxaa ayna sheegayaan in markii hore ay heysteen suuq fiican balse hadda aysan jirin cid wax ka iibsata.

Suuqyada lagu iibiyo digaagga ee magaalada Muqdisho ayey fadhiyaan iyaga oo rajadoodu ay tahay mid liidata waxaana dhacda mararka qaar in saacadaha badan oo ay joogaan Suuqa ay arki waayaan cid xataa weydiisa qiimaha la iibiyo digaagga.

Cali Ibraahim waxaa uu ka ganacsadaa digaagga waxaa uu Goobjoog u sheegay caqabadaha ay ku heyso digaagga laga keeno dalka dibaddiisa waxaa uuna yiri.

“Digaagga dibedda laga keeno sameeyn ayey nagu yeelatay, caqabad badan ayey nagu heysaa  dhaqaallaheenii oo dhan hoos ayuu u dhacay.

Haddii ganacsatada dalka dibediisa digaagga ka keensada ay weecdaan in ay dhiiro geliyaan dadka xanaaneeya digaagga dalka, waxaa sare u kacaya dhaqaalaha dalka, waxaana rajo badan ay galineysaa dad badan oo hadda niyad jabsan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here