Janaayo 2018: Warbixinta Xoolaha Nool

Bil walba Goobjoog Business waxa ay idiin soo gudbisaa warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa ganacsiga xoolaha ee Soomaaliya sida Lo’da, Geela, iyo Ariga oo ah xoolaha ay Soomaalida dhaqato islamarkaana ay ganacsi ahaan ugu dhoofiso suuqyada caalamka sida Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaan xog la xiriirta qiimaha xoolaha kala duwan ee Soomaaliya ka soo aruurinay suuqyada kala duwan ee Soomaaliya waxaana idin kugu soo gudbinyanaa waxrbixintan hoose.

Hadaba qeybaha soo socda waxaan ku lafa-gureynaa isbadalada ku yimid qiimaha xoolaha nool sida geela, lo’da iyo ariga.

  1. Geela

Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ay leedahay 1/3 geela dunida. Waxaa kale oo lagu tilmaamaa in wadanka Soomaaliya uu yahay dalka ugu xoolaha badan dunida sida laga xiganaya hay’adda FAO oo qaramada midoobey u qaabilsan beeraha iyo cunada.

Qiimaha neefka Geela ah ayaa intii lagu guda jiray bishii janaayo isbedbedel sameeynayay, wuxuuna is bedelay saddex jeer.

1’dii bisha iyo Todobada maalin ee ku xigtayba neefka geela ah ayaa la iibinayay 30,000,000 So.Sh, halka Sideeddii bisha uu noqday 29,000,000 So.Sh oo macnaheedu tahay in qiimaha neefka geela ah uu hoos u dhacay 1,000,000 So.Sh. iyadoo 15ka bisha uu dib ugu laabtay qiimiihii bisha lagu furay ee 30,000,000. Halka 10kii maalmoodee ugu dambeeyay uu ahaaa 29,000,000, qiimahaas ayaana bishii dhamaatay suuqa lagu soo xiray.

Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo 2018, halka neef ee geela ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 29,452,000 So. Sh.

2. Lo’da

Bishii Janaayo ee 2018 qiimaha lagu iibiyo neefka lo’da ah ee dalka ayaa ku bilawday 7,500,000 So.Sh mana jirin wax iska badalay qiimahaas illaa laga soo gaaray 15’kii bisha oo qiimaha neefka lo’da ah uu noqday 8,500,000 So.Sh.

Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo 2018, halka neef ee lo’da ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 8,048,000 So. Sh.

3. Ariga

Bishii Febraayo ee 2018 qiimaha lagu iibiyo neefka ariga ah ee dalka ayaa ku bilawday 2,300,000 So.Sh.

15kii bisha Janaayo qiimaha neefka ariga ah ayaa hoos u dhacay waxuuna noqday 2,350,000 SOS. Waxii ka dambeeyay 26kii bisha ayuu markale isbadalay qiimaha la iibiyo neefka ariga ah waxuuna dib ugu noqday 2,500,000 Sh.So,  28ka bisha ayuuna kor u kacay wuxuuna gaaray 2,550,000 isla qiimahaas ayaa la iibinayay neefka ariga ah tan iyo dhammaadkii bisha.

Bishii lasoo dhaafay ee Janaayo 2018, halka neef ee ariga ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 2,453,000 So. Sh.

                                                     DHAMAAD

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here