Febraayo 2018: Warbixinta Xoolaha Nool

Bil walba Goobjoog Business waxa ay idiin soo gudbisaa warbixin ku saabsan dhaqdhaqaaqa ganacsiga xoolaha ee Soomaaliya sida Lo’da, Geela, iyo Ariga oo ah xoolaha ay Soomaalida dhaqato islamarkaana ay ganacsi ahaan ugu dhoofiso suuqyada caalamka sida Sacuudiga iyo Imaaraadka Carabta.

Waxaan xog la xiriirta qiimaha xoolaha kala duwan ee Soomaaliya ka soo aruurinay suuqyada kala duwan ee Soomaaliya waxaana idin kugu soo gudbinyanaa waxrbixintan hoose.

Hadaba qeybaha soo socda waxaan ku lafa-gureynaa isbadalada ku yimid qiimaha xoolaha nool sida geela, lo’da iyo ariga.

  1. Geela

Soomaaliya waxaa lagu qiyaasaa in ay leedahay 1/3 geela dunida. Waxaa kale oo lagu tilmaamaa in wadanka Soomaaliya uu yahay dalka ugu xoolaha badan dunida sida laga xiganaya hay’adda FAO oo qaramada midoobey u qaabilsan beeraha iyo cunada.

Qiimaha neefka Geela ah ayaa bishii Febraayo isbedbedel lagu furay suuqyada magaalada Muqdisho 29,000,000 So. Sh.

Ilaa 14 bisha qiimaha neefka geela ah wax is bedel ah kuma imaan iyadoo mudadaas la iibinayay qiimihii 1da bisha suuqa lagu furay, balse wixii ka dambeeyay 15 bisha ayuu mar qura is bedelay oo kor u kacay isagoo gaaray 30,000,000 So.Sh, macnaheedu tahay in qiimaha neefka geela ah uu kor u kacay 1,000,000 So.Sh. 22 bisha ayuu markale sare u kac sameeyay isagoo gaaray 32,500,000. Taas oo macnaheedu yahay in ay ku darsantay 2,500,000 oo ah isbedel aad u weyn isla qiimahaas ayaana suuqa lagu soo xiray.

Bishii lasoo dhaafay ee Febraayo 2018, halka neef ee geela ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 30,125,000 So. Sh.

2. Lo’da

Bishii Febraayo ee 2018 qiimaha lagu iibiyo neefka lo’da ah ee dalka ayaa ku bilawday 7,500,000 So.Sh mana jirin wax iska badalay qiimahaas illaa laga soo gaaray 15’kii bisha oo qiimaha neefka lo’da ah uu noqday 8,500,000 So.Sh.

Bishii lasoo dhaafay ee Febraayo 2018, halka neef ee lo’da ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 8,000,000 So. Sh.

3. Ariga

Bishii Febraayo ee 2018 qiimaha lagu iibiyo neefka ariga ah ee dalka ayaa ku bilawday 2,300,000 So.Sh.

8’dii bisha Febraayo qiimaha neefka ariga ah ayaa kor u kacay waxuuna noqday 2,500,000 SoSh. Balse isla maalintii xigtay ayuu  hoos u dhac sameeyay isagoo noqday 2,400,000. 15kii bisha ayuuna kor u kac sameeyay iyadoo ay ku darsantay lacag aad u badan isagoo gaaray 2,750,000.wixii ka dambeeyay 22kii bisha ayuu markale isbadalay qiimaha la iibiyo neefka ariga ah waxuuna noqday 2,850,000 Sh.So, isla qiimahaas ayaana dhammaadkii bisha lagu soo xiray suuqa.

Bishii lasoo dhaafay ee Febraayo 2018, halka neef ee ariga ah waxaa celcelis ahaan la iibinayay 2,579,000 So. Sh.

                                                          DHAMAAD

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here