Gudiga Dhaqaalaha Wasiirada Maamulka Somaaliland Oo Booqasho ku Tagay Magaalada Berbera.

Xubanaha gudiga dhaqaalaha golaha Wasiirada Somliland oo ka kooban siddeed xubnood ayaa booqasho ku tagay magaalada Berbera, waxeyna halkasii kula kulmeen gudoomiyaha gobolka saaxil Jaamac Yuusuf Axmed.

Gudigaas oo uu hor kacayay wasiirka ganacsiga maamulka somaliland ayaa  waxa ay booqasho ku tageen warshaddii hore ee shamiintada ee magaalada Berbera.

Gudoomiyaha gobolka saaxil oo faahfaahin ka bixiyay booqashada wafdiga wasiirada ayaa sheegay iney u yimaadeen iney kormeeraan warshadii shamiintada, dekedda Berbera iyo dhammaan ilaha dhaqaalaha gobolka.

Wasiirka Ganacsiga ayaa isna ka hadaly safarka shaqo oo ay ku tageen Berbera aya sheegay iney u yimaadeen inay qiimeyn ku sameeyaan kaabayaasha dhaqaale ee gobolka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here