Maamulka Gobalka Hiiraan Oo Ganacsatada Magaaladda Beledweyne Ka Dalbaday In Xilliga Habeenkii Uu Ganacsigooda Shaqeeyo.

Dhaq dhaqaaq xooggan oo dhanka ganacsiga ah kama jira Magaalada Beledweyne mar haddii uu gabalku dhaco, waxa u badan ee loo sababeeyo ayaa ah baqdin ay ganacsatada ka qabaan iney dhacaan falal amaanka lid ku ah.

Maamulka gobolka Hiiraan ayaa ka codsaday ganacsatada magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan inay habeenkii shaqeeyaan, si loo muujiyo ammaanka magaalada.

Guddoomiyaha gobolkaasi Cabdi Jeyte Cismaan oo saxaafadda la hadlay ayaa tilmaamay in wax lala yaabo ay tahay in habeenkii wixii ka dambeeya 9ka Fiidnimo ay magaalada u muuqato meel aanba la daganeyn oo uusan ganacsi ka jirin.

Guddoomiyaha ayaa u ballanqaaday ganacsatada Beledweyne in amnigooda la sugo, iyagana ay shaqeeyaan si ay usoo laabato bilicda magaalada.

“Waxaan rabnaa in ganacsiga magaalada la furo habeenkii, Beledweyne waxaa la moodaa in habeenkii laga guuray, waxaasina wax aan u dulqaadan karno maahan” ayuu yiri Jeyte.

Amniga oo aan la isku haleyn karin ayaa keenay in ganacsatada Beledweyne ay habeenkii xilli hore xiraan goobahooda ganacsiga.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here