Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda Oo La Kulmay Ganacsatada Muqdisho.

Kulankaan oo maanta ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa waxaa shir gudoominayay ra’iisul wasaaraha soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxa uuna u dhaxeeyay dowladda federaalka soomaaliya iyo ganacsatada Muqdisho, Waxaana goob joog ka ahaa Wasiirka Maaliyadda Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, iyo Wasiirka Ganacsiga Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye.

Kulankaan ayaa waxaa looga hadlaayay arimaha canshuuraha, oo ay beryihii dambe ganacsatada Muqdisho cabasho ka muujinayeen. Ganacsatada ayaana mas’uuliyiinta dowladda usoo gudbiyay cabashada ay ka qabaan canshuuraha laga qaado.

Mas’uuliyiinta iyo ganacsatada ayaana ugu dambeyn isla gartay habka ugu haboon ee loo bixinaayo canshuuraha, ayadoo ganacsatada ay ku rajo weynyihiin in laga qafiifiyo canshuuraha.

Wasiirka Maaliyadda oo ka hadlay kulankaan ayaa sheegay iney ku faanayaan ka dowlad ahaan guulaha ganacsi oo ay gaareen ganacsiyada soomalida iyo waliba hal abuuradda soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in ay waajib tahay in si wadajir ah looga wada  shaqeeyo sidii kor loogu qaadi lahaa dakhliga dalka, canshuurtuna waxey ka mid tahay ilaha dakhliga dalka.

Kulankaan ayaa imaanaya kadib markii ganacsatada soomaaliyeed ay cabasho ka muujiyeen canshuur kordhin lagu sameeyay, taas oo sababtay in  muddo toddobaad ah ay xayirneyd shaqada Dekedda Muqdisho.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here