Dowladda Japan oo $700 Milyan Amaahisay Sanduuqa Horumarinta Africa.

Hay’adda Japan ee Iskaashiga Caalamiga ah (JICA) ayaa heshiis lacag amaahin ah la saxiixatay Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF), Lacagtaan ayaa gaareysa  73.601 bilyan oo lacagta Japan ah oo u dhiganta  $ 700.9 milyan. Heshiishkaan Amaahda ah ayaa qayb ka ah kaalinta Japan ee taageerida wadamada Afrika.

Lacagtaan la amaahiyay Sanduuqa Horumarinta Afrika ayaa ka qeyb qaadaneysa kobaca dhaqaalaha iyo la dagaalanka saboolnimada ee wadamada Africa.

Madaxweynaha Baanka Horumarinta Afrika, Akinwumi Adesina, oo goobta ka hadlay ayaa u mahadceliyay dowladda Japan. Adesina wuxuu yiri, “Waxaa u mahadcelinaya dowladda Japan sida ay uga soo baxday ballanqaadyadii ay sameysay. Waxaan ku ammaanayaa Japan fulinta dhameystirka ballanqaadkii ahaa taageeridda horumarkaAfrika.

Lacagtaan $ 700-milyan ah, ayaa $ 328 milyan oo kamid ahi tahay deeq ay, dowladda Japan ugu tala gashay Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF).

Adesina waxa uu sheegay in Japan muddo dheer ka shaqeynaysay horumarinta Afrika, iyada oo inta badan lacagaha ay ugu deeqdo  qaaradda usoo  marsiisa Bangiga Horumarinta Afrika. Japan ayaa ah wadanka labaad ee dhaqaalaha ugu badan siiya Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF).

Danjiraha Japan ee Ivory Coast Hiroshi Kawamura ayaa isna dhankiisa sheegay inuu ku faraxsanyahay heshiishka lagu horumarinayo dhaqalaaha afrika.

“Waxaan rajeynayaa in deymahaan iyo deeqaha dowladda Japan ay gacan ka geysaneyso horumarinta bulshada iyo dhaqaalaha wadamada soo koraya ee Afrika.” Ayuu yiri Kawamura

Ku xigeenka madaxa Maaliyadda ee Bangiga horumarinta Afrika Hassatou N’Sele oo heshiiskaan goobjoog ka ahaa ayaa uga mahadceliyay kaalmada dowladda Japan.

“Lacagahaan waxey wax ka bedeli doonaan nolosha dad badan oo afrikaan ah, deeqahaanna waxey naga caawin doonnaan inaan gaarno hadafkeenna”. Ayuu yiri Hassatou N’Sele

Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) ayaa ah qeyb ka mid ah Bangiga Horumarinta Afrika, wuxuuna caawiyaa wadamada saboolka ee Afrika.

Sanduuqa Horumarinta Afrika (ADF) ayaa la furay 1972, wixii intaas ka dambeyana wuxuu ka helayay wadamada deeqaha bixiya lacago badan oo deeq ah, halka mararka qaarna la amaahiyo lacago, si wax looga qabto dhaqaalaha liita iyo saboolnimada Afrika.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here