Xoolihii La Keeni Jiray Suuqyada Xoolaha Ee Magaaladda Muqdisho Oo Yaraaday.

Intabadan xoolaha lagu iibiyo suuqayda xoolaha magaalada Muqdisho waxaa laga keenaa qaar kamid gobolada dalka. Waxaa beryihii dambe hoos u dhac ku yimid xoolihii soo gaari jiray suuqyada muqdisho ee lagu iibiyo  xoolaha gaar ahaan ariga, ayada oo taas loo sababeeyay gaadiidkii keeni jiray ariga oo yaraaday.

Naaleeye oo ka mid ah ganacsatada xoolaha kuu iibisa seyladda degmada Deyniile oo u warramay Goobjoog Business ayaa sheegay in xoolihii ka imaan jiray gobolada dhexe ay yaraadeen, asagoo intaa ku daray in lagu jiro xilli kala guur ah gaadiidkii soo qaadi jiray xoolahana ay yaraadeen, taasna ay sababtay in arigi laga keeni jiray gobolada dhexe uu yaraaday.

Ugu dambeyntii, ayada oo ay jirto in xoolihi la keeni jiray seyladaha ay yaraadeen, hadana ma jiro is bedel buuran oo laga dareemayo qiimaha xoolaha gaar ahaan ariga.

Halkaan Hoose ka Dhageyso Wareysiga Naaleeye Oo Dhameystiran:

Goob joog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here