Diyaaradii Ugu Horeeysay Oo Rakaab Sida Oo Ka Duushay Garoonka Aadan-Cadde Xili Habeen Ah Muddo 27 Sano Ah Kadib.

Waxaa muddo 27 ah kadib waxaa  garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle Cismaan Aadan Cade ee Magaalada Muqdisho, xili habeen ah ka duushay diyaarad rakaab ah, waxaana raacay dad shacab ah iyo  mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Garoonka diyaaradaha ee magaalaga madaxda dalka  ee Muqdisho waxaa bilihii lasoo dhaafay ka socday dib u casriyeyn, taas oo ku aadan in diyaaradaha rakaabka iyo kuwa gaarka ah ay ka soo degi karaan ayna ka duuli karaan xilliyada habeenkii ah.

Wasiirka Gaadidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Oomaar oo sagootinayay Wasiirka Maaliyadda oo ka mid ahaa masuuliyiintii raacday diyaarada rakaabka ah ayaa ka hadlay muhiimada Shqada habeenkii ee Garoonka.

“Waxaad arkeysaan iyadoo aan shaqooyinkeena soo dhameysanay aan ka duuleyno caawa garoonka Aadan Cadde xilli habeen ah, runtii waa arrin loo baahnaa, waxaan ku dhiiro gelinayaa in shirkadaha diyaaradaha ay duulimaaka habeenkii ka qeyb galaan  ahaan jadwalka habeenka khamiista ee Jimco soo galeyso iyo sabtiga ee ka bixi doonaan.” Ayuu yiri Wasiir Oomaar

Wasiirka Maaliyadda oo isna ka mid ahaa rakaabkii xalay raacay diyaaradii ka duushay Garoonka ayaa sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in xili habeen ah uu garoonka Aadan-Cadde ka dhoofo uuna tago Nairobi.

Tani ayaa ka dhigan guulaha ay gaartay Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo horumarka Dalka maadaama ay bulshada Soomaaliyeed xili habeen ah ay garoonka ka heli karaan duulimaadyo isugu jira duulis iyo soo degis.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here