Dalxiiska Dalka Kenya Oo kordhay.

Dowladda Kenya ayaa sheegtay in dadka Ajanabiga ah ee u dalxiis tagaya Dalka Kenya ay sare u kaceen sanadkii la soo dhaafay ee 2017 kaddib markii ay hoos u dhaceen weerarrada Al-shabaab ka fulin jireen Dalkaaas.

Wasiirka Dalxiiska iyo Duur-joogta Kenya Najiib Balala ayaa sheegay in heerka sara u kaca dalxiiska uu gaaray 9.8%, taasna ay faa’ido u tahay dhaqaalaha dalka Kenya.

Sanadkii 2017kii ayuu sheegay in Kenya ay booqasho ku tageen 1.47Milyan oo qof oo ajaanib ah,marka loo eego sanadkii ka horreeyay ee 2016 oo ay tageen 1.34 Milyan oo qof.

Najiib Balala ayaa sheegay in dowladda ay lacag badan gelisay amaanka,taasna ay dalxiisayaasha ku kalliftay in ay aaminaan heerka amaanka Kenya islamarkaana uu dakhliga dalxiiska kenya dib u soo laabanayo si tartiib tartiib ah.

Wasiir Balaala waxa uu xusay in Dalka Mareykanka uu yahay midka ajaanibta ugu badan ay uga yimaadaan isaga oo tiradooda ku sheegay 114,507 oo qof oo u dhiganta 17% guud ahaan dadka dalxiisayaasha ah ee Kenya taga.

Mareykanka waxaa ku xiga Dalka Ingiriiska oo ay muwaaddiniintiisu tagaan Kenya iyaga oo gaaraya 107,078  oo qof oo u dhiganta  11.1%,waxaana ku xigan Uganda oo ah 6.4% halka Hindiya ay ku jirto kaalinta 4aad iyaga oo gaaraya 6.2%.

Waxaa Balaala uu intaas ku daray in sidoo kale dalxiisayaasha gudaha ay kordheen iyaga oo gaaray 4.05 Milyan oo qof, sanadkii 2017 marka loo barbar dhigo 2016kii oo dalxiisayaasha gudaha ay gaarayeen 3.5Milyan,iyada oo kororka dalxiisayaasha gudanahan uu gaaray 15.9%.

Madaxa guddiga dalxiiska Kenya Betty Radier,ayaa sheegtay in Dhismaha Tareenka Nairobi iyo Mombasa ee uu China sameeyay uu isna soo jiitay dalxiisayaasha qeybna ka yahay sare u kaca dalxiisayaasha Kenya.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here