Warbixin:Suurtagalnimada In Laga Dhabeeyo Dhismaha Dekadda Hobyo Iyo Waxa ay Ka Baddali Karto Dhaqaalaha Gobollada Dhexe.

Hobyo waa magaalo xeebeed qadiimi ah oo dhanka bari kaga beegan magaalada Gaalkacyo, waxaana horumarkii ay gaari laheyd saameyn ku yeeshay dagaaladii sokeeye ee dalka ka dhacay. Dadka hobyo noloshooda waxey ku tiirsan tahay kalluumeysiga.

Degmadu waxa ay  leedahay xeeb qadiimi oo aan qaban shaqadi lagaga fadhiyay dowlad la’aan aawadeed.

Burburkii dowladnimo kadib, 9 febaraayo, 2016 waxaa dhagax dhigay dekedda hobyo ee gobolka mudug madaxweynihii hore ee galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed isagoo sheegay in dekedda hobyo ay furantahy, uguna baaaqay in ganacsatada galmudug iyo kuwa kaleba shixnadahooda ganacsi ee kala duwan kala soo dagaan dekedda hobyo, balse isku day gaasi ma guuleysan.

Markale madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dekedda hobyo dhagax dhigay 23  janaayo, 2018. Waxaana hadda soconaya dadaalo lagu horumarinayo dekeddaasi, inkastoo ilaa iyo hadda wax horumar ah laga gaaarin.

Aan dib u eegno goorta hobyo ay yeelatay deked waxaa taariikhdeeda inooga warramay Ambassador Cabdisalaan Xaaji Axmed Liibaan (Dhaban Cad) oo taariikhda soomaaliya inteeda la hayo ahaa safiirkii ugu horeeyay oo ay soomaliya yeelato.

“Dekeddaan hobyo waxey aheyd dekeddii ugu taariikh weyneyd dekedaha soomaaliya, talyaaniga intuusan soo galin deked baa ka dhisneyd, talyaani markuu soo galayna hobyo kaliyo ka dhisay, meel kale kama dhisin xamar xitaa macmal ayey iska aheyd, waxaasoo dhan waa burburbureyn, dariiqeeedina waa la burburay, sagaashan iyo lix sano ka hor ayaa talyaaniga markuu joogay wuxuu ka dhisay waddo isku xira hobyo iyo gaalkacyo.

“Haddii dhismaheeda lagu guuleysto dekedda hobyo waxaa imaan kara dhaqaale badan oo baaqanaya, sidoo kale waxaa ka dhalanaya kobac dhaqaale iyo iney il dhaqaale u noqoto dowlad goboleedka Galmudug” Ayuu yiri Cismaaciil Maxamed Cismaaciil oo dhaqaalaha ka faalooda.

Wax soo saarka dekeda hobyo iyo in wax laga dhoofiyo waxaa fududeyn kara in la helo wadooyinka gobolada dhexe oo dhisan, ma jirto dowlad ku howlan dayactirka wadadaas ama maamul toona.

Isxilqaan dhismo oo lagu dayactirayo wadada xiriirisa hobyo iyo gaalkacyo ayaa waxaa ku howlan qurbo joogta gobolka  mudug iyo dadka deegaanka.

Haddii uu hirgelo dhismaha dekedda hobyo qorshuhu wuxuu yahay in dhaqaalaha gobolada dhexe ay wax badan ka bedesho . su’aa sha is weydiinta mudanna waxey tahay dhagax dhigga labaad ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee dekedda hobyo ma noqon doonaa mid guuleysta?

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here