South Africa: Madaxweyne Jacob Zuma oo diiday in uu is casilo kadib eedeymihii ahaa inuu ku lug leeyahay musuq maasuq.

Shir looga hadlaayay mustaqbalka madaxweynahan ayaa lagu qabtay gurigiisa oo ku yaalla Pretoria, waxa uuna wajahaya eedeymo musuqmaasuq.

Lixda hogaamiye ee ugu sareysa xisbiga ANC ayaa hal hal u gaaray guriga madaxweyne Jocob Zuma, ujeedada ay halkaasi u tageenna way u cadeyd qaar badan oo ka mid shacabka Konfur Afrika.

Waxay rajeynaayeen inay ka dhaadhicin donaan madaxweynaha dalkaasi in uu dhaqso iscasilo, madama uu fadeexo musuqmaasuq lugta gula jiro, balse waxay u muuqataa in Mr Zuma uusan dooneynin in uu si fudud oo buuq aan lahayn uu xilkaasi u baneeyo.

Arrintan oo aysan jirin cid wali xaqiijisay ayaa waxaa boggiisa Twitter kusoo qorey hoggaaamiyaha mucaaradka Julias Malema.

Waxa in yar in yar meesha uga baxday rajadii laga qabay in uu isbadel dhici doono inta aanan la gaarin qudabadda sanadlaha ah ee madaxweynaha u jeediyo qaranka.

Xilkaasi waxaa la doonayaa in uu la wareego madaxweyne ku xigeenka dalkaasi ahna hogaamiyaha cusub ee xisba ANC Cyril Ramaphosa.

Hadii uu Mr Zuma diido inuu iscasilo, waxa galinka dambe ee maanta kullan deg deg ah yeelan doona guddiga dhexe ee xisbiga si ay arrintani tallaabo uga qaadaan.

Waxa la filayaa in ay kawada hadli doonaan sidii loo bilaabi lahaa hanaan meesha looga saaraayo madaxweyne Zuma, waxayna u badantahay inaay barlamaanka usoo gudbin donaan mooshin ka dhan ah madaxweynaha.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here