Muqdisho:Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya oo Heshiis la saxiixatay Shirkadda Sahal.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed Cabdulaahi Salaad (Oomaar) iyo maamulaha shirkadda Sahal  Jabril Maxamuud Geedi  ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo dib loogu eegayo howlaha shirkadda.

Wasiir Oomaar ayaa sheegay in dib u eegista heshiiskii hore ay isku afgarteen shirkadda Sahal.

“Dadweynaha soomaaliyeed muddo badan ayay na weydiinayeen adeegyadda shirkadani, anagoo ka ambaqaadeyna hab maamulka wanaagsan ee shirkadda, waxaan shirkadani ku heshiinay inaan dib u eegis ku sameyno heshiiskii ay horay  ula gashay dowladda, iyada oo laga fiirinayo in dowladda, shirkadda iyo shacabkaba ay ka faa’iidaan, marka heshiiskaan isafgaradka waxa uu ahaa mid aan isla ognahay hey’adaha nala shaqeeya sida IMF iyo  World bank oo ah inaan heshiiskii shirkada Sahal aan dib u eegis ku sameynay iyagana si wanaagsan ayay noola shaqeeyeen’’ Ayuu yiri Wasiir Oomaar

Wasiir Oomaar waxa uu dhiira galiyay in fursado shaqo loo abuuro dadka Naafada ah.

‘’ Waxaan ku faraxsanahay in shirkada Sahal ay fursado shaqo siisay dad naafa ah, dagaaladii sokeeye dad badan ayaa ku beelay lixdooda lixaad iyagana xaq ayay leeyihiin inay shaqa helaan, waxaana ku baaqaya in fursado shaqo loo abuuro lana dhiiro geliyo dadka naafadaa, sidookale shirkadda Sahal hal abuurkooda waan uga mahad celinaya’’ ayuu yiri Wasiir Oomaar

Guddoomiyaha Shirkada Sahal Cabdicasiis Maxamed Guuleed ayaa Wasiirka ugu Mahad celiyay booqashada iyo dhira galinta howlwadeenada gaar ahaan kuwa qaba baahiyaha gaarka ah.

“Waan uga mahad celinaynaa Wasiirka aqbalaada uu naga aqbalay inuu dhiira galiyo dadka naafadaa iyo heshiiska is afgaradka ah ee aan wada saxiixanay oo ah in shirkadda Sahal iyo Wasaaradda ay wada shaqeeyaan’’ Ayuu yiri Gudoomiyaha Sahal Hospitality

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here