Muqdisho: Wasiirka Maaliyadda oo Maanta qabtay shirkii billaha ahaa ee Wasaaradda Maaliyadda.

Wasiirka maaliyadda ee XFS Dr. Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo maanta shir jaraa’id saxaafada ugu qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda.

Shirkaasi ayuu wasiir Beyle  kaga war bixiyay wax qabadkii wasaaradda maaliyadda ee Sanadkii tagay, wuxuu kaloo ka hadlay qorshaha canshuur qaadista sanadkii tegay iyo kan hadda iyo qaabka cusub ee wasaaraddu soo kordhisay.

Wasiirka ayaa sheegay in hay’adihii horay lacagta ugu aruurin jiray dowladda aysan ka tirsaneyn dowladda, balse wasaaraddu ay ku guuleysatay in ay la soo wareegto taasina ay dadaal badan ku bixisay.

Sidoo kale shirkiisa Jaraa’id waxa uu wasiirku ku sheegay in cid kasta oo qaadeysa tallaabo maaliyadeed ay wasaraaddu u suura gashay in ay xafiisyadooda kala socdaan, sidoo kalena dhammaan cidkasta oo ka mid ah shaqaalaha dowladda ay mushaarkooda bil walba ay helaan.

“Sanadkii 2017 wuxuu ahaa sanad aad u wanaagsan. 2018 waxaan rajeyneynaa in aan muujino dadaal ka badan kii hore si aan u gaarno isku tashi iyo horumar. Dakhligeena inaan kicino waa waajib” ayuu yiri wasiir Beyle.

Waxyaabihii ugu muhiimsanaa ee uu wasiirka maaliyadda soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle uu maanta ka hadlay ka mid ahaa canshuurta cusub ee gadista oo ay dhawaan wasaaraddu ku soo rogtay ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha, xawaaladaha, biyaha, korontada, shirkadaha bixiya adeega Tv-yada iyo hoteellada taas oo shacabka soomaaliyeed inta badani hadal hayaan.

Wasiirku waxa uu sheegay inay la shireen dhammaan milkiilayaasha  Hay’adaha ganacsiga gaar ahaan maqaayadaha iyo Hoteellada isla markaana ay isla garteen in si wadajir ah ay ula socdaan lacagta la qaadayo halka ay ku baxeyso si soomaaliya ay isugu filnaato.

Gaba gabadii waxa uu wasiirka sheegay in dhawaan uu socdo qorshe lagu soo daabacayo lacagta shilinka soomaaliga ah isla markaana aysan sii jiri doonin isticmaalka lacagta dollarka.

Wasaaradda maaliyadda ayaa mudooyinkii dambe waday dadaalo lagu kordhinayo dakhliga dalka, hanaanka canshuuraha  iyo in dalku gaaro isku filnaasho dhaqaale.

GoobJoog Business