Muqdisho: Guddoomiyaha Gobolka Banaadir oo la kulmay Wafdi ka socda Shiinaha.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng Yariisow ayaa magaalada Muqdisho kula kulmay wafdi ka socda dawladda Shiinaha oo ay ka mid yihiin shirkado ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka.

Guddoomiye Yariisow ayaa wafdiga Shiinaha kala hadlay horumarinta caasimadda soomaaliya, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee samaafaraha, soolarro casri ah iyo bulaacadaha.

Sidoo kale,guddoomiyaha gobolka banaadir iyo duqa muqdisho C/raxmaan Cumar Cismaan Eng. Yariisow ayaa hoosta ka xariiqay iney wafdiga dowladda Shiinaha isla soo hadal qaadeen sidii magaalada Muqdisho u heli lahayd maalgashi qeyb weyn ka qaata horumarka socda.

“Kulanka aan la qaatay wafdiga ka socda dawladda Shiinaha ee kamid ahaayeen shirkadaha ka shaqeeya horumarinta magaalooyinka casriga ah, waxaan iskula soo qaadnay sidii caasimadda dalka Soomaaliya ay ula tartami lahayd caasimadaha kale ee caalamka, waana ku heshiinay, gaar ahaan horumarinta iyo dhismaha jidad casri ah, dib-u-howlgelinta nalalka haga gaadiidka ee samaafaraha, soolarro casri ah iyo xal u helidda bullaacadaha”. Ayuu yiri Eng Yarisow.

Madaxa waaxda Cilmi baarista  dalka Shiinaha oo wafdiga hoggaamiyey ayaa dhankiisa sheegay in magaalada muqdisho u baahan tahay in horumarin ballaaran lagu sameeyo adeegyada guud ayna aqoon wanaagsan u leeyihiin dhinaca casriyeynta caasimadaha. Waxana ay uga mahadceliyeen guddoomiyaha gobolka Benaadir soo dhaweynta iyo wada-shaqeynta wanaagsan.

Goobjoog Business 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here