Galmudug: Wafdi ka kooban Wasiiro iyo Xildhibaano oo gaaray degmada Hobyo ee Gobolka Mudug.

Magaalada Hobyo ee gobolka Mudug waxaa Maanta gaaray wafdi isagu jira wasiiro, xubno ka tirsan labada aqal ee baarlamaanka soomaaliya iyo mas’uuliyiin ka socota Shirkad Shiineys ah.

Waxaa degmada Hobyo si weyn ugu soo dhoweeyay wasiirada iyo xildhibaanada ka tirsan dowladda soomaaliya mas’uuliyiinta ka tirsan maamulka hobyo iyo bulshada qeybaheeda kala duwan oo sheegay iney ku faraxsan yihiin imaanshaha Wafdiga.

Wafdiga dowladda iyo saraakiisha ka socota shirkadda shiineyska ah ayaa qiimeyn ku sameyn doona dhismaha dekedda Hobyo oo ah isha dhaqaalaha Galmudug.

Madaxweynaha jamhuuriyadda federaalka soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo oo bishii hore booqasho ku tagay degmooyin ka tirsan Puntland iyo Galmudug ayaa wuxuu soo dhagax dhigay mashaariic horumarineed oo ay ka mid tahay dhismaha dekedda Hobyo ee gobolka Mudug.

Sidoo kale, madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay iney guddi u saarayaan mashaariicda horumarineed uu soo dhagax dhigay si ay daba gal ugu sameeyaan dhaqan galkooda.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here