Muqdisho:Ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre oo Kormeer ku tagay Wasaaradda Maaliyadda iyo Dekedda Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha dalka Xasan Cali Kheyre ayaa maanta Kormeer shaqo ku tagay wasaaradda maaliyadda iyo dekedda Muqdisho.

Ra’iisul wasaaraha ayaa kulan la qaatay wasiirka maaliyadda, Dr Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayagoo ka wada hadlay arimo badan oo ay kamid yihiin sidii loo kordhin lahaa soosaarka dakhliga dalka iyo hanaanka canshuuraha.

Ra’isul wasaaraha ayaa sidoo kale booqday dekedda muqdisho, asagoo kulamo la qaatay mas’uuliyiinta dekedda muqdisho.

Ma ahan marki ugu horeysay uu ra’isul wasaaraha booqdo wasaaradda maaliyadda iyo dekedda muqdisho.  Kormeerkaan uu ra’isul wasaaraha ku tagay wasaarada maaliyadda iyo dekedda muqdisho waxey qeyb ka tahay dadaalka xukuumadda ugu jirto  kor u qaadidda iyo kobcinta dakhliga iyo sidoo kale gaarsiinta dalka isku filnaasho dhaqaale oo waarta.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here