Muqdisho: Wasiirka Ganacsiga XFS oo Muqdisho kula kulmay Wasiirada Ganacsiga ee Dowlad Goboleedyada.

Kulankaan waxaa soo qaban qaabisay wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya, waxaana looga hadlayay sidii loo horumarin lahaa wax soo saarka ganacsiga Soomaaliya iyo sidii suuqyo cusub loogu furi lahaa wax soo saarka beeraha, xoolaha iyo kalluunka.

Waxaa ka qeybgalay kulankaasi wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha dowladda federaalka soomaaliya iyo kuwa dowlada goboleedyada,iyo madaxda rugaha ganacsiga Soomaliya iyo kuwa maamul goboleedyada, iyadoo intaa uu kulankaasi socday si weyn loogu falanqeeyay  sidii loo heli lahaa fursado sahlayo in badeecada dalka ay hesho suuqyo caalami ah loona dhoofin lahaa.

Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye, Wasiirka ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda soomaaliya oo ka hadlay furitaanka kulankaasi ayaa sheegay in  looga baahanyahay ganacsatada in marka hore ay bixiyaan canshuuraha dalka, taasi oo keeni karta in uu yimaado horumar  dhanka ganacsiga ah, isagoo xusay in ka wasaarad ahaan ay qaadanayaan dowrkooda ku aadan sidii dalka loo gaarsiin lahaa horumar dhinacyo badan leh oo ganacsiga ah.

Sidoo kale, Wasiirada ganacsiga dowlad goboleedyada ayaa soo dhaweeyay qorshayaasha lagu horumarinayo ganacsiga Soomaaliya,iyagoo dhanka kale soo bandhigay caqabadaha horyaala ganacsiga dalka.

Wasaaradda ganacsiga iyo warshadaha xukuumadda soomaaliya ayaa wada dadaalo lagu horumarinayo ganacsiga dalka, si loola jaanqaado dunida inteeda kale, iyada oo raadineysa fursado dalka lagu maalgashan karo, sida uu sheegay Wasiirka Wasaaraddaasi.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here