Sri-lanka oo ku biiraysa kooxda la dagaallanka burcad badeedda soomaaliya oo qafaasha maraakiibta iyo doomaha ganacsi.

Dowladda Sri Lanka ayaa qorsheynaysa inay ku biirto waddamada ku bahoobay kooxda ilaalada xeebaha iyo la dagaallanka burcad badeedda Soomaaliya ee (CGPCS)  the Contact Group on Piracy off the Coast of Somalia.

Golaha wasiirrrada xukuumadda Sri-lank ayaa ansixiyay soo jeedinta Madaxwaynaha Dalkaasi Maithripala Sirisena ee ahayd inay dowladdiisu codsi rasmi ah u gudbiso kooxda ilaalinta xeebaha iyo la dagaallanka Buracad Badeedda Soomaaliya.

Intii u dhaxaysay Sanadihii 2005 illaa 2010 ayay ahayd markii ay dhaceen Afduubyadii ugu badnaa ee lagu qafaasho  Maraakiib ganacsi, kuwaasoo intooda badan gooshayay Badweynta Hindiya.

Weerarrada Maraakiibta ganacsiga ayaa xilligaasi waxay saameyn xooggan ku yeesheen ganacsiga xorta ah iyo guud ahaan dhaqaalaha caalamka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here