Danladi Umar oo ah madaxa maxkamadda Nigeria u qaabilsan ka hortagga musuq maasuqa oo lagu eedeeyay laaluush.

Guddiga sare ee u qaabilsan la dagaalanka musuq maasuqa iyo ilaalinta dambiyada la xiriira dhaqaalaha dalka Nigeria ayaa wuxuu garsooraha ku eedeeyay inuu lacago badan oo kumaanan kun gaareysa ka dalbaday qof looga shakisan yahay inuu wax musuq maasuqay.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Mr Umar lagu eedeeyo inuu qaatay laaluush.

Shakiga laga qabo Mr Umar wuxuu soo shaac baxay kadib markii gudoomiyaha Senate-ka Nigeria oo ka mid ah siyaasiinta ugu awoodda badan wadankaasi lagu cadeeyay sanadkii hore inuu musuq maasuq ku lug lahaa.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Mr Umar oo la xiriira eedeymaha loo soo jeediyay.

Waxey aheyd mar sii horeysay markii madaxweynaha Nigeria Maxamadu Buhari uu wacad ku maray inuu wadankaas ka baabi’in doono falalka la xiriira musuq maasuqa iyo dadka sharciga ka sareeya.

 

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here