Wasiir Maareeye: Waxuu boob ka socdaa warshaddii hargaha iyo saamaha

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Wasiir Maxamed Cabdi Xayir Maareeye oo maanta komeer indhoindheyn ah ku tagay wakaaladda hargaha iyo saamaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in boob lagu hayo dhulkii wakaaladda hargaha iyo saamaha ee Soomaaliyeed.

Wasiirka ayaa ka digay boobka hantida qaranka iyo warshadaha, waxuuna Wasiir Maareeye intaasi ku daray in ciddii sheegata lahaanshaha dhulka uu sheegay in la boobay ay dowladda xeri doonto.

“Furasaddan aan maanta ku joogo wakaaladdii hargaha iyo saamaha ee Soomaaliyeed, waxaan uga faaideysanayaa in aan shacabka Soomaaliyeed iyo ganacsatada Soomaaliyeed uga digo boobka hantida qaranka iyo warashadaha dalka” ayuu yiri Wasiir Maareeye, waxuuna intaasi sii raaciyaya:

“Waxaa boobka kasocdaa warshaddii hargaha iyo saamaha ee degmada Dharkeynley. Dadka dhulkaas doonaya in ay si xaq-darro ah ku qaataan waxaan u sheegeynaa uma socon doonto. Qareen baan qabsaneynaa waana dacweyneynaa, instead, in aan wax siinno iska dhaafe waan xireynaa. Haleysaga tago hantida dowladda”

Halkan hoose ka dhageyso coda Wasiirka oo dhameystiran:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here