RW Kheyre oo faahfaahin ka bixiyay safarkiisii Davos, Switzerland

Ra’iisul Wasaaraha XF Soomaaliya Xasan Cali Khayre oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa faah fahain ka bixiyay shirkii uu uga qeyb galay magaalada Davos iyo kulamo uu la soo qaatay saraakiisha Bankiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka.

Waxuu Kheyre sheegay in ka qeyb galka shirkaas ay Soomaaliya u aheyd fursad weyn oo ay kusoo bandhigto fursadaha ka jiro dalka.

“Soomaaliya waxaa markii koowaad lagu marti galiyay shirka fagaaraha dhaqaalaha aduunka, waxayna noo ahayd fursad balaaran oo aan ku soo badhignay khayraadka dalkeena, danaheeda dhaqaale iyo sidii loo gacan siin lahaa dawladda Soomaaliya oo qaaday wadadii horumarka.” ayuu yiri RW Kheyre.

Raisul Wasaare Khayre ayaa dhanka kale sheegay in uu kulanno la qaatay IMF iyo WB isagoo kala fadlay arrimaha dhaqaalaha dalka iyo deymaha lagu leeyahay Soomaaliya.

“Waxaan la kulmay madaxda Sanduuqa lacagta caalamka ee IMF iyo Bangiga Adduunka oo aan kala hadlay sidii dalkeenna deymaha looga cafin lahaa, waxayna qirayn in Soomaaliya ay samaysay tallaabooyinkii loo baahnaa , kuna taaggan tahay jidkii deymaha looga cafin lahaa” ayuu yiri Xasan Cali Kheyre oo warbaahinta la hadlayay.

Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay ka qeyb gashay shirka dhaqaalaha dunida ee sanad walba lagu casuumo hoggaamiyeyaasha caalamka, waxuuna Raisul Wasaaraha arrintaasi ku tilmaamay tallaabo ay Soomaaliya horay u qaaday.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here