Muqdisho: Dowladda oo adeegyada ay dadweynaha u qabato hal meel isugu keeneysa

Dowladda Soomaaliya ayaa qorsheyneysa in ay hal xarun oo weyn isugu geyso adeegyada ay u qabato ganacstada iyo dadweynaha Soomaaliyeed ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warashada Soomaaliya ayaa maanta kormeeray wakaaladda hargaha iyo saamaha ee magaalada Muqdisho isagoo sheegay in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in ay halkaasi isugu geyso adeegyada ay dadweynaha iyo ganacsatada ugu baahanyihiin dowladda.

“Anagoo ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya waxaan maanta halkan ku nimid kormeer aan ku kormeereynay anagoo raadineyna goob aah aan ka hirgelino adeeg casri ah oo loogu talagalay bulshada Soomaaliyeed in loogu sahlo sidii ay ku heli lahaayeen adeegga dowladda ay siiso si howl-yar” ayuu yiri Wasiir Maareeye oo kormeer ku yimid Wakaaladda Hargaha iyo Saamaha.

Adeegyada uu Wasiirka carabka ku dhuftay in hal meel laisugu geyn doona waxaa kamid ah: xafiiska shatiyada laga jarto, xafiiska ay iska diiwaangeliyaan ganacsatada cusub, xarunta lagu sameeyo baasaboorada, xarunta lagu sameeyo shahaadada dhalashada, xarunta bangiga si canshuuraha halkaa loogu shubo, xarunta lagu sameeyo ID-ga Qaranka iyo goobaha laga heli karo warbixinada maalgashiga dalka.

Wasiir Maareeye ayaa ujeedka ku tilmaamay in dadweynaha iyo ganacstada aanay ku dhibtoon marka ay doonayaan in ay helaan adeegyada dowladda kuwaasoo mararka qaar keenta in ay qofka waqti dheer ku qaadato in uu dhowr xarun oo meelo kala duwan ku kala yaala in uu adeegyo ka helo.

Codka Wasiirka oo dhameystiran halkan ka dhageyso:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here