Xasaraddii maaliyadeed ee ka taagneyd magaalada Beledweyne oo xal loo helay

Waxaa dib u shaqo bilaabay suuqyada magaalada Beledweyne ee lagu sarrifo lacagaha qalaad iyadoo muddooyinkii ugu dambeeyay magaalada uusan ka shaqeyn jirin shilin Soomaaliga.

Shacabka magaalada Beledweyne ayaa bilooyinkii ugu dambeeyay wax ku iibsanayay lacagta doolarka Mareykanka iyo lacagaha taleefoonada la isaga diro arrintaasoo ah mid culus oo saameyn xooggan ku yeelatay nolosha dadka reer Beledweyne.

Ganacsatada gobolka Hiiraan gaar ahaan kuwa magaalada Beledweyne ayaa wado dadaalo ay kusoo cirib jarayaan xasaradda maaliyadeed ee ka taagan gobolka, waxaana ay hadda bilaabeen in ay lacag shilin Soomaali ah ka keenaan gobolada kala duwan ee dalka gaar ahaan magaalada Muqdisho.

Ganacsatada ayaa bilaabay in ay lacagtaasi ku wareejiyaan sariflayaasha magaalada si dadka ay lacagahooda doolarka ah ugu badashaan shilin Soomaaliga la keenay si lacagta shilin Soomaaliga ah mar kale suuqa loo geliyo.

Dhibaatada maaliyadeed ayaa markii hore kasoo bilaabatay kadib markii gobolada kala duwan ee dalka laga diiday lacag been abuur ah oo gobolka Hiiraan si xooggan looga isticmaalayay. Tan iyo waqtigaas, waxaa gobolka Hiiraan iyo gobolada ku teedsanba soo wajahay xasarad maaliyadeed oo saameysay nolosha dadka.

Nuur Cumar Cali oo ah guddoomiyaha ganacsatada magaalada Beledweyne oo kamid ah ganacsatada ku dadaashay in ay xal u helaan arrintaas ayaa Goobjoog Business u sheegay in ay ku guuleysteen in ay xal u helaan dhibkii haystay ganacsatada iyo shacabka Beledweyne ayna ku dadaalayaan in ay xalkaas gaarsiiyaan deegaanada iyo gobolada ku xeeran Beledweyne.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here