Madaxda Afrika oo ka arrinsaneysa musuqa hareeyay Qaaradda

Shir madaxeedka 30-aad ee Midowga Afrika ayaa maanta lagu wadaa in uu ka furmo xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa. Kulankan oo ah mid aan caadi aheyn ayaa waxaa ka qeyb galaya madax ka socota 55 dowladood oo Qaaradda ah.

Hoggaamiyeyaasha dalalkaas ayaa kusoo qul qulayay caasimadda Itoobiya, waxaana madaxda gaartay halkaasi kamid ah Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

Shirka 30-aad ee madaxda Midowga Afrika waxaa diiradda lagu saari doonaa la dagaalanka musuqa iyo sidii Qaaradda looga cirib tiri lahaa waxaana cinwaan looga dhigay shirka “Ka Guuleysiga Musuqa”

Ugu dambeyntii shirka waxaa uu socon doonaa muddo laba maalin ah iyadoo la filayo in madaxweyne Farmaajo uu khudbad ka jeediyo kulanka 30-aad ee madaxda Midowga Afrika.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here