AEO2018: Caqabadaha hortaagan hormarka dhaqaalaha Soomaaliya

Wiil yaroo Soomaaliyeed oo kalluun madaxa ku sita. Meeshadan waa Muqdisho, amintuna waa November 3, 2007. REUTERS/Ismael Abdi(SOMALIA)

Dhaqaalaha Soomaaliya waxuu u muuqdaa mid kobcaya marka loo barbar dhigo sida uu waqti xaadirkan yahay dhowr sano ka hor.

Iyadoo ay sidaa tahay, hadane, waxaa jira caqabado dhowr ah oo ku hor gudboon hormarka dhaqaalaha dalka oo lagu soo daabacay warbixin sanadle ah ee uu soo saaro Bangiga Adduunka oo lagu magacaabo ‘African Economic Outlook’.

Warbixinta AEO2018 waxaa lagu sheegay in dhaqaalaha dalka uu kobci doono sanadka soo socda iyadoo weli ay jiraan caqabaha ay xustay warbixinta.

Caqadaha waxaa kamid ah amni-darada dalka oo keeneysa in maalgashiga ajaanibta ah uu yaraado ama ajaanibta ay ku dhiiran waayaan in ay maalgeshtaan Soomaaliya.

Waxaa kale oo caqabada sida dadban loo sheegay kamid ah tayada hay’adaha dowladda oo liita kuwaasoo aan si wanaagsan u qaban karin howlahii laga rabay, balse warbixinta waxey soo jeedisay in la dardargeliyo dib u qaabeynta lagu sameynayo hay’adaha dowladda.

Sidoo kale warbixinta waxaa ay sheegtay in adkeysiga dhaqaalaha ee la xiriira musiibooyinka iyo abaaraha uu yahay mid liita, waxaa kale oo lasoo jeediyay in ku tiirsanaanta dhaqaalaha ee qeybaha beeraha iyo xoolaha la weeciyo si dhaqaalaha uu u yeesho fursado badan oo uu uga badbaado musiibooyinka soo noqnoqda.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here