Wasiirka Qorsheynta Soomaaliya Oo La Kulmay Wasiirka Ganacsiga Hindiya

Photo credit: @AmbGamal

Wasiirka Wasaradda Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha Soomaaliya, Wasiir Jamaal Maxamed Xasan ayaa magaalada Davos ee dalka Switzerland kulan kula yeeshay Wasiirka Ganacsiga iyo Warashada ee Dalka Hindiya Suresh Prabhu.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay fursadaha maalgashi ee labada dhinac iyo sida shirkadaha Hindiya ay maalgashi ugu sameysan karaan dalka Soomaaliya.

Xiriirka labada dal ee Soomaaliya iyo Hindiya ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay soo wanaagsanaanayay iyadoo maxaabiis Soomaaliyeed oo ku xernaa dalkaasi lagu soo sii daayay heshiis ay wada gaareen labada dowladood.

Waxaa kale oo xusid mudan in dowladda Soomaaliya ay Hindiya ku wareejisay siddeed qof oo u dhashay dalkaas oo laga soo furtay burcad badeed Soomaali ah oo qafaashay.

Kulanka labada Wasiir ayaa lagu tilmaami karaa xiriir hor leh oo ganacsiga iyo dhaqaalaha la xiriira oo labada dal ay yeelan karaan.

Wasiir Jamaal ayaa kulanka kadib bartiisa Twitterka kusoo qoray kulanka labada dhinac iyo waxyaabahii ay ka wada hadleen.

“Waxaan magaalada Davos kulan kula qaatay Suresh Prabhu, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Hindiya, oo aan kawada hadalnay fursadaha maalgashi ee shirkadaha Hindiya ay ka heli karaan Soomaaliya iyo sidii loo kordhin lahaa waxyaabaha Soomaaliya ay u dhoofiso Hindiya iyo dhinacyada kale ee aan ka wada shaqeyn karno” ayuu yiri Wasiir Jamaal.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here