Muqdisho: SIFPA oo tababar xisaab dejinta ku saabsan u bilowday ganacsato Soomaaliyeed

Midowga Xirfadlayaasha Soomaaliyeed ee Maaliyadda Islaamiga ah ee loo soo gaabiyo SIFPA ayaa tababar socon doona muddo labaatan maalin ah Isniintii lasoo dhaafay u bilaabay toban shirkadood oo Soomaali ah.

Tababarkan waxaa maalgeliyay Bangiga Adduunka isagoo soo marsiiyay hay’adda SMEF ee Soomaaliya u qaabilsan hormarinta ganacsiyada yar yar iyo kuwa heerka dhexe.

Guuddoomiyaha SIFPA, Bakar Xaaji oo xafladdii furitaanka oo ka dhaceysay Hotel Ramada ee magaalada Muqdisho sheegay in laba maalin oo furitaan iyo hordhac ah kadib tababarka uu si toos ah ugu bilaaban doono ganacsatada iyadoo goobtooda shaqo lagu bari doono xisaabaadka ganacsiga qaab kumbiyuutar ah.

Halkan hoose ka dhageyso codka guddoomiye Bakar Xaaji oo faahfaahinaya tababarka iyo waxa uu ku saaabsanyahay.

Sawirro:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here