Qaar kamid ah waddooyinka Muqdisho oo xeran

Waxaa xeran qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka, waxaana waddooyinka lagu arkayaa tira ciidan ah oo gadiidka ka celinaya in ay isticmaalaan wadooyinka. Waxaana ay arrintaasi saameysay ganacsiyada iyo isu socodka gaadiidka.

Waxaa caado ah in qaar kamid ah waddooyinka halbowlaha ah ee magaalada Muqdisho la xiro waqtiyada ay jiraan munaasabadaha waaweyn iyo waqtiyada ay madax caalami ah soo dageyso ama dhoofeyso waxaana arrintaasi ay saameyn ku yeelataa ganacsatada yar yar ee nolol maalmoodkooda ka raadiya shidaalka iyo badeecooyinka lagu iibiyo hareeraha waddooyinka.

Ganacsiyo kala duwan ayaa xerma marka ay xermaan waddooyinka waxaana kamid dadka gaadiidka kireeya iyo kuwa qaada dadweynaha u kala goosha suuqyada iyo degmooyinka caasimadda badanaana ma jirto cid mihiimad siisa ganacsiyada ay saameyso xernaashaha waddooyinka.

Lama oga sababta keentay in waddooyinka la xiro, iyadoo dad badan ay tani u arkeen culeys kusoo kordhay magaalada.

Madaxweyne Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo ayaa xilligii uu ahaa musharraxa madaxweynaha, wuxuu khudbad uu ka jeediyey golaha shacabka ku sheegay in haddii uu madaxweyne noqdo aan la xiri doonin waddo, lana furi doono waddooyinka xiran, balse taas bedalkeeda waxaa xirmay waddooyin kale oo furnaa.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here