Ganacsatada Somaliyeed ee qaadka u soo dhoofisa Muqdisho oo shaqo joojin sameeyay

Ganacsatada qaadka Miru ee dalka Kenya ayaa sameeyay shaqo joojin, kadib markii beeralayda qaadka ee dalka Kenya ay qaali ka dhigeen qiimaha qaadka.

Ganacsatada oo kulan ku yeeshay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, ayaa waxa ay sheegeen inaysan ku iibsan karin qiimaha sare ee Beeralayda Qaadka ee dalka Kenya ay ku doonayaan in qaadka looga iibsado.

100Kg  ee Qaadka ah ayaa hadda Gobolka Miruu ka maraya 160,000 oo shilinka Kenya ah iyada oo mar kaliya ay ku korodhay lacag ka badan 20,000 oo Shilinka Kenya ah, taas oo sababtay in Ganacsatada ay walaac ka muujiyaan.

Wasaaradda Beeraha ee dalka Kenya ayaa waxa ay ugu baaqeen ganacsatada inay soo farageliso arintaan, illaa inta ka horeysana aysan shaqeynayn sida ganacsatada ay sheegeen.

Beeralayda qaadka ee dalka Kenya ayaa sheegay sababta qaadka qaaliga uu u noqday ay tahay roob yari iyo waraabka ay helaan beeraha oo yaraaday, waxaana soo go’ qaad ka yar midkii horre sida ay ku doodayaan.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here