Wasiir Maareeye oo diiday in uu aqbalo bixinta deymahii kasoo gudbay maamulkii ka horreeyay

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay inuusan aqbaleynin in Wasaaraddiisa ay qaado lacag deyn ah oo ay Wasaaradda u qaadeen maamulkii isaga ka horreeyay.

Wasiir Maareeye ayaa intaasi ku daray in sanadkan cusub ay Wasaaraddiisa bog cusub furi doonto deymaha hadda Wasaaradda lagu leeyahayna lagu wareejiyo Wasaaradda Maaliyadda.

Hadalkaasi waxuu Wasiirka ka sheegay munaasabad uu xilka kagala wareegayay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Marwo Khadra Axmed Ducaale oo todobaadkii lasoo dhaafay xilkaas laga qaaday.

Hakan hoose ka dhageyso codka Wasiir Maareeye:

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here