Carwada Guriyeynta & Dhismaha ee SORECO & Homes Expo oo maanta la daah-furay

Waxaa maanta si rasmi ah magaalada Muqdisho looga daah furay carwada dhismaha iyo guryeynta ee SORECO Homes and Expo oo ay soo qaban qaabisay majaladda The Somali Investor.

Guddoomiyaha gobolka Benaadir,  Wasiir ku xigeenka Wasaaradda iyo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed ayaa xariga ka jaray carwada oo soconeysa muddo afar maalin ah.

Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Taabit Cabdi Maxamed oo hadal ka jeediyay munaasabadda daah-furka ayaa bogaadiyay carwada iyo dadka soo abaabulay waxuuna ku tilmaamay in ay keeneyso hormar ganacsi iyo in carwooyinkii dalka ay soo laabtaan.

Dhanka kale Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha, Maxamed Diiriye Khaliif ayaa waxa uu qaban qaabiyayaasha ku amaanay doorka muhiimka ah ee ay ka ciyaarayaan horumarinta ganacsiga waxuuna si gaar ah ugu mahadceliyay majaladda The Somali Investor iyo Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

“Haddii aan nahay Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha waan ku faraxsanahay in aan kasoo qeyb galno carwadan cajiibka ah, waxaana u mahadcelineynaa dadkii kasoo qeyb-qaatay, majaladda The Somali Investor. Waxaan kale oo aan si gaar ah ugu mahadcelinayaa guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Soomaaliya iyo ganacsatada kale ee maalgelinta ku sameysay”

“Aad ayaan ugu faraxsanahay in maanta ganacsato Soomaaliyeed ay waxqabadkooda kusoo bandhigaan halkan, waxeyna qeyb ka tahay hormarka ay Soomaaliya ku tilaabsaneyso. Waxaan rajeyneynaa sanadkan gudahiisa middan mid ka weyn in ay noo qabsoonto” ayuu yiri Wasiir ku xigeenka.

Carwada SORECO & Homes Expo 2018 ayaa waxa ay si xiriir ah u socon doontaa illaa iyo 11-ka bisha iyadoo shirkadaha ka shaqeeya dhismaha iyo guriyeynta ay fursad u heli doonaan in ay soo bandhigaan adeeegyada ay bixiyaan iyagoo sidoo kalena heli doona qeyb gaar ah oo qalabeysan oo ay badeecooyinkooda kula wadaagaan kasoo qeyb galayaasha.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here