Dakhliga shirkadda xawaaladda WorldRemit oo sanadkan kobcay in ka badan 45%

Ismaaciil Axmed waxuu todobo sano ka hor aas-aasay WorldRemit oo ah shirkad xawaaladeed oo lacag ka dirta dalka UK iyadoo gaarsiisa dadka ku nool Afrika qeybaheeda kala duwan, waxaana arrintaasi u suurageliyay khibrad uu u leeyahay bangiyada iyo xawaaladaha Soomaaliya.

Markii uu bilaabayay shirkaddaasi waxuu haystay oo kaliya $200,000 oo ah lacag yar marka loo fiiriyo shirkadaha ku yaalla dalka UK oo ah halka uu ku aas-aasay WorldRemit.

Sanadba sanadka ka dambeeya waxaa kordhayay dalalka ay lacagaha gaarsiiso WorldRemit waxaana waqti xaadirkan ay lacag u kala dirtaa in kabadan 140 dal oo ku kala yaala qaaradaha Afrika, Aaasiya iyo Ameerika.

Shabakadda ganacsiga ka faaloota ee Bloomberg ayaa qortay in WorldRemit ay dadaal ugu jirto sida ay u badin laheyd macaamiisha xisaabaadka ku leh shirkadda waxaana ay qorsheyneysaa in ay 10 milyan oo qof gaaraan dadka xisaabka ku leh WordRemit sanadka marka uu yahay 2020-ka.

War ay Khamiistii soo saartay shirkadda ayaa lagu sheegay in ay heshiis ku kacaya 40 milyan oo doolar ay la gashay shirkad lagu magacaabo LeadFrog oo ah shirkad maalgashi oo fadhigeedu yahay magaalada London.

Ismaaciil Axmed oo wareysi lala yeeshay ayaa sheegay in dakhliga shirkadda kasoo galaya dalka Mareykanka uu sare u qaadi doono dakhliga WorldRemit sanadaha soo socda in ka badan 46%. Waxaa kale oo uu intaasi ku daray in dakhliga shirkadda uu sanadka dhamaaday gaarayo 81 milyan oo doolar taas oo noqoneysa mid ka badan 46% dakhliga saafiga ah ee sanadkii hore, waxaa sidaa qoray Bloomberg.

Xawaaladda WorldRemit waxaa loolan adag oo suuqa ah ay kula jirtaa Xawaaladda caalamiga ah ee Western Union oo xajmiga ganacsigeeda lagu qiimeeyo 444 bilyan oo doolar iyo shirkadda kale ee lagu Remitly oo ay xarunteedu tahay magaalada Seattle ee dalka Mareykanka.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here