Dowladda Soomaaliya oo shirkadda Albeyrak kala wareegtay qalab casri ah oo qashinka iyo ciidda looga saaro dekedaha

Photo credit: SONNA

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta shirkadda Albeyrak ee maamusha dekedda magaalada Muqdisho kala wareegtay qalab casri ah oo qashinka, biraha bololay iyo ciidda looga saaro dekedaha.

Waxaa qalabka kala wareegay Ra’iisal wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed iyadoo ay goobjoog ka ahaayeen Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Marwo Maryan Aweys Jaamac, Mareeyaha Dekadda ee shirkadda Albeyrak Sami Erol & Wasiirka Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda.

RW ku xigeen Mahdi Maxamed Guuleed ayaa xusan in ka dowlad ahaan ay ku faraxsan yihiin in maanta ay la soo wareegaan qalabka caro saarka iyo qashin saarka Dekadda Muqdisho waxuuna xusay in qalabkan uu suurtagal ka dhigano in Maraakiib fara badan oo xamuulkooda culus yahay ay ku soo xirtaan Dekadda.

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda Maryan Aweys Jaamac ayaa tilmaantay in waqti xaadirkan ay Wasaaradduu ay gacanta ku hayso nidaamkii lagu maamuli lahaa maaliyadda iyo qaabkii loo jiheyn lahaa Maraakiibta Dekadda ku soo xirata.

Dhanka kale maareeyaha shirkadda Albayrak Sami Erol oo madasha qalabka lagu wareejinayay ka hadlay ayaa sheegay in qalabkan uu yahay mid muhiim ah sida dhaqsiyaha badanna loo bilaabi doono carro ka saaridda dekedda.

Dhowr mar oo hore ayey maraakiib kusoo xeran lahaa dekadda ay awoodi waayeen in ay soo gaaraan dekedda kadib markii maraakiibtaasi ay kasoo gudbi waayeen ciid iyo qashin fadhiistay badda inta aysan soo gaarin halkii ay ku xeran lahaayeen.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here