IIKEEN Delivery: dhallinyaro Soomaaliyeed oo Muqdisho kusoo kordhiyay adeeg cusub

Dhallinyarada Soomaaliyeed waxaa lagu qiyaasaa in 70% ay ka yihiin guud ahaan bulshada Soomaaliyeed waxaana soo wajaho caqabado fara badan oo ay ugu horreyso shaqo la’aanta.

Sanad walba waxaa jaamacadaha dalka kasoo qalan-jebiya kumannaan dhallinyaro ah oo aan intooda badan helin shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda waxaana qaarkood ay doorbidaan in ay dalal shisheeya aadaan si ay u helaan nolol dhaanta midda dalkooda ay ka heli karaan.

Waxaa sidoo kale jira dhallinyar kale oo kamid ah isla kuwa jaamacadaha kasoo baxa oo ku fekera sidii ay hal-abuur u sameyn lahaayeen dalkoodana u anfici lahaayeen.

Muscab Cumar Cilmi iyo Sharmarke Cali Kaahiye oo kamid ah dhallinyarada ku nool magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay aas-aaseen shirkad loogu magac daray IIKEEN Delivery oo ah shirkad u fududeysa in dadweynaha iyo ganacsatada ay cunnooyinka ay doonayaan ka dalbadaan kadibna ay shirkaddaasi ugu geyso cunnada guryahooda iyo goobahooda shaqo.

Muscab oo innoo sharxaya IIKEEN iyo waxa ay qabato ayaa waxa uu yiri “IIKEEN Delivery waa shirkad ay adeegeedu tahay in ay dadka u sameyso delivery. Tusaale oo kale, qof customer ah ama macmiil ah ayaa waxa uu cunto uga baahanyahay maqaayad waxuuna doonayaa in xaafaddiisa looga keeno, anaga marka service ayaan qabanaa, maqaayadaha ayaan cuntada uga soo qaadnaa goobta uu jooga qofka goobtiisa ama gurigiisa ayaan ugu geynaa”

Dhallinyarta aas-aasay adeeggan ayaa Goobjoog Business u sheegay in sababta ku dhalisay fekerkan ay tahay in iyagu naftigooda ay dareemeen baahi oo dhowr mar iyagoo guriga jooga ay maqaayad cunno ugu baahdeen oo ay iyagu ku qasbanaadeen in ay doontaan, sidaa darteedna ay ka qiyaas qaateen in dad badan oo iyaga lamid ah in ay jiraan.

“Sababta keentay in aan IIKEEN bilowno waxaa ay aheyd anaga ayey naga bilaabatay, anagaa xilli dambe oo sagaalka habeennimo tahay ayaa waxaan dhowr mar u baahanay in casho naloo keeno balse waan waaynay. Marka waxey noqoneysaa qofka in uu baxo oo uu magaalada cunno ka doonto, waxaana meeshaas uga baxaayo waqti badan iyo lacag, dhibkaas ayaa inagana na haystay. Sidaas darteed ayuu fekerkaan nagu dhashay oo aan bilownay in aan abuurno shirkaddan.” ayuu ku warbixiyay Sharmarke Cali oo kamid ah aas-aasayaasha IIKEEN Delivery.

Dhallinyaradan hal-abuurkan la yimid ayaa waxa ay adeegsadaan mootooyinka labada lugood leh si ay macaamiishooda u gaarsiiyaan dalabaadka ay ka doonayaan maqaayadaha.

Sharmarke Cali Kaahiye oo bartay Computer Science kana mid ah hal-abuurayaasha ayaa Goobjoog Business u sheegay in uu tijaabo ku  jiro application taleefonada Android iyo iOS ku shaqeeya oo shacabka Muqdisho ay kaga soo dalban karaan adeegooda iyagoo taleefonkooda kala soconaya halka ay cunnadooda soo mareyso iyo xiliga ay soo gaareyso.

Ugu dambeyntii caqabadda ugu weyn ee IIKEEN Delivery soo wajaha waxaa ay hal-abuurayaasha ku sheegeen in ay tahay ciidanka wax ku baara isgoysyada magaalada Muqdisho, waxaana ciidankaasi ay ciidankaas ka shakiyaan oo baaraan cunnada sanduuqa ku jirta ee macaamiisha loo geynayo.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here