Warbixin: Dhacdooyinkii Ganacsi & Dhaqaale Ee Dalka Ee Sanadka 2017

Waxaa gabo-gaba ah sanadka 2017, intii lagu guda-jiray sanadkanna waxaa dalka ka dhacay dhacdooyin dhowr ah oo la xiriira dhaqaalaha, ganacsiga iyo baniadamnimada. Hadaba Goobjoog Business waxaa ay halkan idin kula wadaageysaa qaar kamid ah dhacdooyinkii ugu waaweynaa ee arrimahaasi la xiriira ee dhacay intii lagu guda jiray sanadkan sii dhamaanaya.

Halkan hoose ka aqriso dhacdooyinkii ganacsi & dhaqaale ee dalka ee sanadka 2017:

Jannaay 28: Dowladda Britain ayaa 12 milyan oo doolar ugu deeqday Soomaaliya si wax looga qabto abaartii dalka halakeysay, waxaana lacagtan deeqda ah ay aheyd mid ka madax banaaneyd deeqaha caadiga ah ee dowladda UK ay siiso Soomaaliya.

Febraayo 2: Dowladda Soomaaliya ayaa guul ka gaartay wejiga koobaad ee dacwada badda ee Soomaaliya iyo Kenya iyadoo maxkamadda ICJ ay go’aamisay in dacwada ay dhageysaneyso. Dowladda Kenya ayaa ku doodeysay in maxkamadda aysan xaq u laheyn dhageysiga oo ay tahay in labada dal ay si gooni ah u xaliyaan khilaafkooda.

Febraayo 8: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa loo doortay in uu noqdo madaxweynaha dalka.

Febraayo 9: Qiimaha lagu sarrifo doolarka Mareykanka ayaa gaaray meeshii ugu hooseysay muddo sanada ah waxuuna noqday 13,000 SOS halkii doolar, halka maalmo ka hor lagu sarifayay 22,000 SOS.

Febraayo 23: Madaxweyne Farmaajo ayaa Raisul Wasaare u magacaabay Xasan Cali Kheyre oo kamid ahaa Saamileyda shirkadda SOMA Oil and Gas.

Maarso 7: Waxaa dalka Soomaaliya yimid Xogyaha Guud ee Qaramada Midoobey Antonio Guterres. Waxuuna safarkaasi ahaa safarkii ugu horreeyay ee xoghayaha uu ku bixiyo Afrika tan iyo markii xilkaasi loo magacaabay. Ujeedka safarkiisa ayaa ahaa inuu qiimeeyo xaaladda abaaraha Soomaaliya oo kasii dareysay, waxaana safarkaasi uu Soomaaliya kusoo jeediyay indhaha caalamka.

Maarso 23: Dowladaha Keynya iyo Soomaaliya ayaa wada galay heshiisyo ay kamid yihiin in duulimaadyada Nairobi-Muqdisho toos ay noqdaan, in la cusbooneysiiyo heshiiska JCC ee labada dal, in kastamka xuduudaha Beledxaawo iyo Mandheera dib loo furo iyo arrimo kale.

Maarso 28: Raisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa ku dhawaaqay liiska golaha Wasiirada oo ka koobnaa 26 Wasiir

April 27: Dowladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiisyo iskaashi oo hormarinta dhaqaalaha iyo dhaqanka labada dal la xiriirta. Wasiir Yusuf Garaadka Soomaaliya iyo Wasiirka Arrimaha Dibedda Turkiga ayaa labada dal u kala saxiixay heshiiska inkastoo aan saxaafadda loo faahfaahin heshiiskaas iyo waqtiyada la fulin doono.

May 10: Waxaa magaalada London ka furmay shir looga hadlayay arrimaha Soomaaliya gaar ahaan ammaanka, kobaca dhaqaalaha iyo gargaarka baniaadamnimo. Waxaa shirkaasi shir guddoominayay Madaxweyne Farmaajo, Teresa May iyo Antonio Guterres oo ah xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey. Sidoo kale waxaa shirka kasoo qeyb galay in ka badan 40 dowladood iyo hay’ado caalami ah oo taageera Soomaaliya.

June 7: Dowladda Soomaaliya ayaa go’aan dhexdhexaadnimo ah ka qaadatay Khilaafka u dhaxeeya wadamada Khaliijka iyadoo dowladahaasi ugu baaqday in khilaafkooda ay ku xaliyaan wada hadal. Waxaa arrintaasi ay keentay in dowladda Soomaaliya ay caadis badan kala kulanto dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka si dowladda Soomaaliya ay xiriirka ugu jarto wadanka Qatar. Go’aankan ayaa markii dambe sababay in maamul goboleedyada dalka ay la saftaan dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka kadib markii Dowladda Federaalka ah ay ku adkeeysatay go’aankeedii dhexdhexaadnimada.

June 24: Waxaa go’ay adeeggii internet-ka ee Koofurta iyo Bartamada Soomaaliya kadib markii markab ganacsi oo ku soo xeranayay dekedda Muqdisho uu jaray fiilada internet-ka fiber-ka keenta Koofurta Soomaaliya. Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya ayaa sheegay in muddo bil ah oo uu maqnaa internet-ka dalka uu sababayay qasaaro dhan 10 milyan oo doolar.

July 10: Dhowr gobol oo dalka kamid ah ayaa ganacsatada iyo shacabka goboladaasi waxaa ay diideen qaadashada shilinka Soomaaliga. Gobolada Hiiraan, Galgaduud, Mudug, Nugaal iyo Bakool ayaa kamid ah gobolada laga diiday isticmaalka lacagta Shilinka Soomaaliga ah.

August 1: Bangiga Adduunka ayaa soo saaray Warbixinta Dhaqaalaha Soomaaliya ee 2017. Bangiga waxa uu warbixintaasi ku sheegay in kobaca dhaqaalaha dalka ee sanadkan uu ka yaryahay midka sanadkii hore isagoo ku sababeeyay abaaraha baahsan ee dalka ku habsaday sanadkan, waxaa sidoo kale Baanka uu saadaaliyay in dhaqaalaha dalka uu kobac yar sameyn doono lana filayo inuu ka kabsado dib u dhacii sanadkan.

August 3: Golaha Wasiirada oo ansixiyahay hinse-sharciyeedka kheyraadka biyaha

August 6:  Golaha Shacbiga ayaa August 6 si aqlabiyad ah ku ansixiyay Miisaaniyadda dowladda ee 2017.

August 9: Golaha Shacabka ayaa ansixiyay sharciga isgaarsiinta dalka. Dalka inuu yeesho sharcigan waxaa uu soo jiitamayay muddo badan iyadoo ugu dambeyntii August 9, 2017 lagu guuleystay in la ansixiyo.

August 28: Wasaaradda Ganacsiga & Warshadaha Soomaaliya ayaa kala dirtay Rugta Ganacsiga iyo Warsahdaha Soomaaliyeed iyadoo Wasaaradda ay shaacisay doorasho cusub oo lagu soo dhisayo Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliyeed.

September 14: Soomaaliya ayaa muddo 27 sano ah kadib xubin buuxda ka noqotay Hay’adda Dalxiiska Adduunka ee Qaramada Midoobey. Waxaana arrintaasi ay muujineysaa sida dunida ay dareemeyso soo kabsashada dalka.

October 2: Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa saxiixay sharciga isgaarsiinta dalka oo ay horay usoo ansixiyeen baarlamaanka dalka iyo Goalaha Wasiirada. Waxaana saxiixa madaxweynaha uu ka dhiganyahay in shirkadaha isgaarsiinta ay hoos yimaadaan nidaamka dowladnimo muddo tobaneeyo sano ah kadib. Waxaase xusid mudan in aan weli la dhisin hay’adda isgaarsiinta dalka oo uu sharciga dhigayo dhisitaankeeda.

October 5: Waxaa xisaabiyaha guud ee Qaranka loo magacaabay Marwo Faaduma Cismaan Faarax iyadoo Golaha Wasiirada ay si aqlabiyad ah ku ansixyeen kadib markii isla kulanka ansixinta xilka looga qaaday xisaabiyahii guud ee hore ee Qaranka Mudane Axmed Yuusuf Muumin.

October 14: Qaraxii ugu weynaa ee geysta khasaarahii ugu badnaa ayaa ka dhacay magaalada isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho. Qaraxaas waxaa uu khasaaro dhimaso iyo dhaawac isugu jira soo gaaray boqolaal qof oo ganacsato iyo shacab isugu jriay. Goobjoog Business oo baaritaan gaar ah sameysay ayaa soo ogaatay in qaraxaasi uu sababay khasaaro hantiyeed oo ka badan $6.3 milyan.

November 13: Golaha Shacabka ayaa ansixiyay Hindise-sharciyeedka la dagaalanka musuqa oo sanado badan la sugayay ansixintiisa.

November 21: Kadib doorasho hal qof iyo hal cod ah oo ka dhacday Somaliland ayaa waxaa doorashada Madaxweyne ee Somaliland ku guuleystay Muuse Biixi Cabdi oo ka adkaaday laba musharax kale oo la tartamayay. Xisbiga Kulmiye oo uu ka tirsanyahay Muuse Biixi Cabdi ayaa markii labaad oo isku xigta ku guuleystay doorashada waxaana ay taasi ka dhigantahay in siyaasadda dhaqan-dhaqaale ee Soomaalilaan aysan wax weyn iska badali doonin.

November 28: Dowladaha Soomaaliya iyo Qatar ayaa kala saxiixday heshiis mashaariic hormarineed oo ay ku kaceyso lacag dhan $ 200 oo milyan oo doolar kadib. Mashaariicdan ayaa ah mashaariic dowladda Qatar ay ku taageereyso Soomaaliya waxaana lagu dhisi doonaa waddooyin iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

November 30: Bankiga Premier ayaa markii ugu horeysay Soomaaliya ka hirgeliyay adeegga LC oo muddo ka badan 26 sano aan dalka ka jirin. Adeeggan ‘Letter of Credit’ ayaa ganacsatada Soomaaliyeed u suuragelinaya in ay dibadda si fudud wax uga soo iibsadaan iyagoo kalsooni ka helaya shirkadaha ay wax kasoo iibsanayaan.

December 5: Dowladda Soomaaliya iyo Dowladda Mareykanka ayaa kala saxiixday heshiis ku kacaya 300 milyan oo doolar. Heshiiskan waxaa uu ka dhigan yahay kii ugu horeeyay ee labada dhinac ay galaan muddo 30 sano ka badan, ujeedka waa in barnaamijkan lagu xoojiyo dowladnimada Soomaaliya, xasiloonida iyo dimoqoraadiyadda.

December 13: Golaha shacabka Soomaaliya ayaa meel-mariyay miisaaniyadda dalka ee sanadka 2018 kadib markii markii Golaha Wasiirada ay horay usoo ansixiyeen.

Goobjoog Business ayaa leh xuquuqda qoraalkan lamana qaadan karo iyadoo aanan la xiganeyn Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here