IMF: Kobaca dhaqalaha sanadkan 0.6% ayuu ka yaraan doonaa sanadkii lasoo dhaafay (2016)

Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa todobaadkii lasoo dhaafay soo saartay war-saxaafadeed ku aaddan wixii kasoo baxay kulan ay la qaadatay Dowladda Soomaaliya oo ay Hay’adda ku qiimeyneysay hab-maamulka maaliyadeed ee dowladda iyo hormarada Soomaaliya ay ka sameysay dhanka dowlad wanaagga.

Warsaxaafadeedka waxey IMF kusoo dhaweysay sida dowladda ay uga go’antahay fulinta iyo dib u eegista siyaasadaha maaliyadeed ee dowladda weliba iyagoo maray barnaamijka SMP ee Hay’adda.
Warsaxaafadeedka waxaa ay IMF ku sheegtay in kobaca dhaqaalaha la filayo in uu aad u hooseeyo uuna ahaado 1.8% halka sicir-bararkana uu gaari doono 3.7% sanadkan 2017, halka sanadkii hore ee 2016 kobaca dhaqaalaha uu ahaa 2.4% halka sicir bararkana uu ahaa 1.3%.

Waxaa kale oo ay IMF sheegtay in ganacsiga Soomaaliya uu sii ahaan doono mid liita iyadoo ay u sababeysay wax-dhoofinta oo yar iyo wax-soo-dhoofsiga oo xad-dhaaf ah, waxaana inta badan ganacsiyada gudaha taageeri doona deeqaha dibadda ka yimaada iyo xawaaladaha.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here