Ari.farm: Shirkad Soomaaliyeed oo xoolaha qaab online ah ugu iibisa caalamka oo dhan

Ari.farm oo ah shirkad ay xarunteedu tahay Sweden iyo Soomaaliya ayaa markii ugu horreysay waxaa ay bilawday in ay internet-ka ku iibiso xoolaha Soomaaliya iyadoo fursad siineysa maalgeshtayaasha caalamka in ay iibsadaan xoolaha Soomaaliya.

Maxamed Jimcaale waa aas-aasaha shirkadda Ari.far waxuuna ahaa ari jire ku dhashay kuna barbaaray Soomaaliya sanadkii 2010kiina galay dalka Sweden isagoo qaxooti ah. Shirkadda Ari.farm waxuu bilaabay sanadkii 2016

Dalka Soomaaliya waa dalka ugu horreeya dunida ee ugu badan dhoofinta xoolaha sidoo kalena 40% dhaqaalaha dalka waxuu ku tiirsanyahay dhoofinta xoolaha.

Dadweynaha ku sugan caalamka oo dhan ayey Ari.farm u suuragelineysaa in ay iibsadaan xoolaha Sooomaaliya kadibna ay dib isaga iibiyaan iyagoo lacag ka sameynaya farqiga u dhaxeeya lacagtii ay ku iibsadeen iyo lacagta ay ku iibiyeen.

Ari.farm waxaa ay dalka ku leedahay laba xarun oo mid ay ku taalo gobolka Banaadir midda kalena gobolka Mudug.

Marka qofka uu iibsado neefka waxuu u bixinayaa magac waxuuna caafimaadkeeda kala soconayaa application ay leedahay shirkadda oo moobeelkiisa ayuu kala soconaya, shirkadda ayaana u xanaaneyneysa, marka uu u baahdana suuqyada dalka gudahiisa ama dibaddiisa ayuu usii iibin karaa.

Maxamed Jimcaale oo ah aas-aasaha ayaa Quartz u sheegay in dad u dhashay 26 dal ay wax ka iibsadeen Ari.farm iyadoo tan iyo bilowgii shirkadda laga iibsaday 1,000 neef oo ari, lo’ iyo geel isugu jira.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here