Shirkado & shakhsiyaad ku guuleystay Abaalmarinta Goobjoog Business Awards 2017

Munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay oo loogu dabaal dagayay sanad guuradii kowaad ee ka soo wareegtay markii dhidibada loo taagay idaacada ganacsiga dalka ee Goobjoog Business isla markaana abaal marino lagu  gudoonsiinayay shirkadaha haldoorka ah ee sanadka 2017 ayaa lagu qabtay Hotelka SYL ee magaalada Muqdisho.

Idaacadda Ganacsiga dalka ayaa markii ugu horreysay bixisay Abaalmarinta Sanadlaha ah ee Goobjoog Business Awards oo sanad walba la guddoonsiin doono shirkadaha iyo shakhsiyaadka haldoorka ah ee sektarka ganacsiga ku jira.

Agaasimaha Goobjoog Business, Cabdiwali Jaamac Barre ayaa ku dhawaaqay liiska shirkadaha iyo shakhsiyaadka ka hal-doorka ah ee muteystay Abaalmarinta Goobjoog Business Awards ee sanadka 2017.

Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud Telecom ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Shirkadda Ugu Wanaagsan Dhanka Tabarucaadda.

Zahra Cabdikarin Ibraahim oo ah aas-aasaha iyo maamulaha shirkadda SOSTEC (Somali Software and Technology Company) ayaa ku guuleysatay Abaalmarinta Haweeneyda Haldoorka ah ee Ganacsiga sanadka 2017.

Bangiga Premier ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Bangiga Ugu Wanaagsan ee Sanadka 2017.

SOOMAR (Somali Online Market) ayaa ku guuleystay Abaalmarinta Haldoorka Ganacsiga Dhalliyarada ee sanadka 2017.

Shirkadda DAAUUS Advertising Agency ayaa ku guuleystay Shirkadda Ugu Wanaagsan Dhanka Suuqgeynta ee sanadka 2017.

Photo group

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here