Shirka Ganacsiga Afrika 2017 oo maanta lasoo gabagabeynaya

@TheVillaSomalia

Waxaa maanta oo sabti ah magaalada Sharma Sheekh ee dalka Masar lagu soo gabagabeynayaa shirk ganacsiga Afrika 2017.

Shirkaasoo cinwaan looga dhigay ‘Ganacsiga Afrika, Masar & Caalamka’.

Madaxweynaha Masar Cabdulfitaax Alsiisii ayaa shirka soo qaban qaabiyay isagoo isugu yeeray madaxda dalalka Afrika oo uu ka mid yahay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo. Waxaana shirka looga hadlayay kobcinta iyo hormarinta xiriirka ganacsi ee ka dhaxeeya dowladaha Afrika.

“Waxaa sharaf ii ah in Madasha Ganacsiga ee Sharma Sheekh aan kaga qeybgalay wada hadalka iyo doodaha ku saabsan ganacsiga iyo dib u qaabeynta dhaqaale ee ay Afrika u baahantahay” ayuu ku yiri Madaxweyne Farmaajo qoraal lagu soo qoray barta Twitterika ee Villa Somalia.

Wasiirka Maalgashiga & Wada-shaqeynta Caalamiga ah ee Masar Dr. Sahar Naasir ayaa sheegtay in dalka Masar uu diyaar u yahay in uu xoojiyo xiriirka dalalka Afrika iyadoo shirkan uu kamid yahay waxyaabaha isku xeri kara dalalka Qaaradda.

Goobjoog Business

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here