War Murtiyeedka Somalia Partnership Forum: Qeybta Dhaqaalaha

Photo: @AmbFMadeira

Todobaadkan waxaa Muqdisho ka socday shir loogu magac daray Somalia Partnership Forum oo ay isugu yimadeen in ka badan 25 dal, 6 hay’adood oo caalami ah iyo madaxda maamul goboleedyada. Waxuuna ahaa shir si heer sare ah loosoo agaasimay oo uu daah-furay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Dowladda Soomaalida iyo beesha caalamka ee madasha isugu yimid ayaa ugu dambeyntii soo saaray war-murtiyeed ka kooban 48 qodob oo qeexaya waxyaabahii ay isla-garteen labada dhinac. Waxaana loo kala jejebiyay dhowr qeybood oo ay kamid yihiin abaaraha, dhaqaalaha, ammaanka iyo qeybo kale.

Hadaba waxaan halkan idin kugu soo gudbineynaa qeybta dhaqaalaha:

Somalia Partnership Forum waxuu aqoonsaday oo bogaadiyay hormarada laga sameeyay fulinta Qorshaha Qaranka Soomaaliya. Waxaa kale oo uu soo dhaweeyay in la dhiso Golaha Horuarinta Qaranka si lamid ahna waxuu dhaweeyay qorshaha lagu doonayo in lagu dhiso Golaha Dhaqaalaha Qaranka.

War-murtiyeedka waxaa kale oo lagu soo dhaweeyay Sharciga Shirkadaha ee ay Wasaaradda Ganacsiga diyaarintiisa ay waddo. Waxaa xubnaha SPF ay isla garteen muhiimadda ay leedahay in sharcigaas la meermariyo si jawiga ganacsi ee Soomaaliya loo hormariyo loona casriyeeyo.

Waxaana Soomaaliya iyo saaxiibada caalamka ay filayaan in sharcigaas uu meel maro sanadka 2018.

Waxaa kale oo la amaanay hadaalada dowladda ay ku dooneyso in la dardargeliyo sharciga maalgashiga ajaanibta ah. Waxaana sidoo kale lasoo dhaweeyay meelmarintii Sharciga Isgaarsiinta iyadoo la rajeeyay in si dagdag ah loo dhiso Hay’adda Isgaarsiinta Dalka.

Waxaa kale oo warsaxaafadeedka lagu sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo lana dhiirogeliyo hay’adaha ganacsi ee sida gaarka ah loo leeyahay. Waxaa kale oo sidoo kale hoosta laga wada xariiqay in shaqo abuurka iyo shaqaaleysiinta ay tahay wax muhiim ah si loo sooo gabgabeeyo shaqo la’aanta baahsan ee dalka ka jirta.

Warsaxaafadeedka waxuu qiray dadaalada iyo howsha adag ee ay Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya ay dhaxda u xeratay oo ah kor-u-qaadista dakhliga gudaha. Heshiiskii mideynta canshuuraha ee Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ayaa aad loo amaanay.

War-saxaafadeedka qodobka 39-aad waxuu ugu baaqayaa beesha caalamka in ay qaataan masuuliyadda xilna iska saaraan kalluumeysiga sharci darada ah iyo falalka kale ee lidka ku ah ammaanka badaha Soomaaliya.

Goobjoog Business

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here